Talaado, 16 November, 2010 (HOL) – Malaayiin qof oo u dabbaaldagaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo ku kala tukaday meelo kala duwan.
Muqdisho, ayaa waxay dadweynihii ugu badnaa ku tukadeen garoonka kubadda cagta ee Muqdisho iyo xeradii Maslax, kuwaasoo ay Xarrakatul Shabaab u cayintay in lagu tukado salaadda ciidda ee maanta, halka dadka ku nool degmooyinka ay dowladdu ka maamusho Muqdisho ku tukadeen masaajidda ku yaalla degmadaas.
"Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan ciidda la tukado dad aad u fara badan, aniga iyo caruurteyda waxaan ku tukannahay isbartiibada," ayay tiri Raxmo Axmed oo 25-jir ah, kana mid ahayd boqlaal haween ah oo salaadda ciidda tukaday.
Raxmo, oo ah hooyada afar caruur ah, ayaa waxay soo dhaweysay in dadka ku nool Muqdisho iyo kuwa ku sugan deegaannada loo barakacay ay mar qura oogeen salaadda ciidda, iyadoo salaan u dirtay mslimiinta, gaar ahaan Soomaalida.
Deegaannada loo barakacay, ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa iyadana ku tukaday kumannaan qof, kuwaasoo isugu hambalyeynayay maalinta koowaad ee ciidda adxa, waxaana ay ku kala tukadeen deegaanka Calamaada iyo KM-13.
Saraakiil ka tirsan Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayaa ka qyabgalay salaadaha lagu tukaday Muqdisho iyo daafaheeda, waxayna ugu baaqeen shacabka in dagaallada looga horjeedo dowladda iyo AMISOM ee ka socda Muqdisho ay ka qaybgalaan.
"Rabbi, waxaan ka rajeynayaa inuu nabad noogu badalo colaadda, waayo waa ciddii 20-aad oo aan ku ciidno iyadoo dagaallo ay ka jiraan dalkeenna, sidoo kale waxaan salaan u dirayaa Soomaalida meel walba oo ay joogaan," ayuu yiri Cabdi Faarax oo ka mid ah dadkii maanta ku tukaday deegaanka calammada.
Caruur isugu jira wiilal iyo gabdho oo xira dhar qurxoon, gacmahana ku sita waxyaabo lagu ciyaaro, ayaa waxay socod ku marayeen daafaha degmooyinka kala duwan ee Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay.
Guud ahaan, Soomaaliya ayaa laga ciiday maanta, marka laga reebo degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna, iyadoo maamulkaas uu amar ku bixiyay inaan laga ciidi karin, oo ay ciiddu tahay maalinta berri ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya