
Talaado, 16 November, 2010 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta kale ee Muslimiinta ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Makka ee dalka Saudi Arabia oo uu ku gudanayay waajibka Xajka, ayaa wuxuu Alle ka baryay in Soomaaliya uu nabad kusoo dabaalo, isagoo shacabka kula dardaarmay inay iscawiyaan, isna cafiyaan, iyagoo ka faa'iideysanaya Ciiddul Adxa.
"Ilaahay, waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya u soo celiyo karaamadii iyo sharafkii ay lahayd, kana dul-qaado dhibaatooyinka jirsaday 20-ka sano, waxaana shacabka Soomaaliyeed u rajeynayaa inay ciiddan midda ku xirta ku ciidaan nabad," ayuu yiri Sheekh Shariif oo qalabka warbaahinta kala hadlayay shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan oo ku sugan Muqdisho ayaa isaguna wuxuu hambalyo taas la mid ah u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabad kusoo celinta Soomaaliya.
"Kooxaha dagaallada kawada Soomaaliya, waxaan ka codsanayaa inay dagaallada joojiyaan, sidoo kalena waxaan ka codsanayaa shacabku inay nabaddooda ka shaqeeyaan, inaan dowladnimo helno ayaana dhibka looga bixi karaa," ayuu yiri Shariif Xasan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka, waxay sheegeen in Soomaaliya ay u baahan tahay dowlad islaami ah oo cadaaladda ku hoggaamiso, waxayna sheegeen in lagu heli karo oo keliya markii isku duubni la muujiyo.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa isaguna hambalyo tan la mid ah u diray shucuubta Islaamka, gaar ahaan Soomaalida shalay, wuxuuna u rajeeyay Soomaaliya nabad iyo horumar deg-deg ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya