Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo si weyn looga xusay Munaasabadda Ciiddul Adxa (SAWIRRO)


Talaado, 16 November, 2010 (HOL) – Iyadoo ay maanta ahayd maalin farxadeeda islaamarkaasina dadka muslimiinta ahi siweyn ugu dabaaldegayaan, ayaa waxaa Munaasabadda Ciidul Adxa maanta siweyn looga xusay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Kumanaan dadweeyne ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee kismaayo ayaa isugu yimid fagaaraha weyn ee isbartiimo waamo si ay ugu tukadaan salaadda Ciida, waxaana dadkaasi wejiyadooda laga dheehanayay farxad iyo reynreyn, waxaana goobta ku sugnaa masuuliyiin katirsan xarakada Alshabaab, sida afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Max'uud Raage (Sheekh Cali Dheere), gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan, G.degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub iyo masuuliyiin kale oo heergobolka iyo heer degmaba ah.

Waxaa ugu horeyn halkaasi qudbad ka jeediyay gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan oo isagu dadweeynihii halkaasi isugu yimid ugu hambalyeeyay farxadda ciida, isagoona sidoo kale salaan iyo hambalyo u diray guud ahaanba umadda Muslimka ah ee ku dhaqan Caalamka.

Sheekh Cali Max'uud Raage (Sheekh Cali dheere) ayaa sidoo kale halkaasi ka hadlay waxaana uu isaguna sidoo kale hambayo u diray dhamaan shucuubta muslimka ah ee ku dhaqan Caalamka, isagoona sigaara ugu hambaleyeeyay shacabka reer Kismaayo munaasabadda Ciidda.

"Waxaan rabaa in aan u sheego shacabka reer jubooyinka, waxa aad heysataan oo nimcooyin ah uma suurto galin in ay helaan gobollo badan oo katirsan Soomaaliya, marka waxaan idin leeyahay ilaahay ku shugriya, si uu idinku siyaadiyo,hadaadse nimcadaasi ku shukrin weydaan ilaah wuu idinka qaadi" ayuu yiri Sheekh Cali dheere oo halkaasi qudbad kooban ka jeediyay.

Magaalada kismaayo ayaa maanta waxa ay u ahayd maalin farxadeed, waxaana mashquul ahaa guud ahaanba wadooyinka waaweyn ee dhex mara magaalada Kismaayo, waxaana ay dadku isugu hambalyeynayaan farxadda munaasabadda Ciidul Adxa.





Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya