Munaasabadda Ciidul-Adxaa oo si weyn looga oogay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Talaado, 16, November, 2010 (HOL)  Dad weyn isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Ragga, Haweenka, Dhalinyarrada iyo Caruur ku labisan dhar aad u qurxoon ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada Beledweyne, kadib Salaada Ciida oo lagu tukaday goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada.

Dadkan oo raxan raxan u socda ayaa siweyn ugu faraxsanaa munaasabada maalinta Ciidul-adxaa, waxaana ay isku marxabeynayeen erayo ay ka mid yihiin Ciid wanaagsan iyo wanaagsan.

Laakiin marka laga soo tago dadka wax heysta ee awooda in ay ka qeyb qaataan farxada munaasabada maalinta Ciidul-adxaa, waxaa xusid mudan in ay jiraan qoysas maanta oo kale aan ka qeyb qaadan farxada iyo is marxabeynta socta, waxaana qoysaskaasi ka mid ah kuwa barakacayaasha ee ku jira xeryaha magaalada Beledweyne.

Sikataba Munaasabada maalinta Ciidul-adxaa oo dhamaan laga oogayo dhulka ay ku nool yihiin dadka Muslimka ah, ayaa la oran karaa waxaa Beledweyne looga soo dhaweeyay faraxad iyo reyn reyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya