
Talaado, 16 November, 2010 (HOL) – (R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa saaka Masjidul Shuhadaa kula tukaday muslimiin badan, oo ay ku jiraan masuuliyiinta Qaranka.
Intaas kaddib, R/wasaarahu waxa ku biiray ciidamda jiidda hore ee xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo uu guddoonsiiyey 13 halaad oo geel oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK (London) u soo hadiyeeyeen ciidanka Qalabka- sida.
Salaadda ciidda kaddib ayaa xaflad ka dhacday guriga martida ee Madaxtooyada waxaa hambalyada ciidda isku dhaafsaday R/Wasaarahaa, Masuuliyiintii Qaranka, dadweynihii iyo shaqaalihii dowladda ee salaadda soo tukadey.
Booqashada jiidda hore, Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku waheliyey wasiirka uu dhawaan u magacaabay Gaashaandhigga Cabdixakim Faqi iy Taliyahaasha ciidamda Qalabka-sida
Inta aannu R/Wasaaruhu ciidanka aagagga difaaca booqan waxa uu xafiiska kulan kula yeeashay taliyaaashada ciidamada qalabka sida.


Xafiiiska Wararka Hiiraan Online
Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya oo Masjid ku yaalla gudaha Madaxtooyada kula tukaday dad badan oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan (SAWIRRO)
More News
- Nairobi oo si weyn looga xusey maalinta Ciidda (SAWIRRO)
- Sidee looga ciiday magaalada Hargeysa? (SAWIRRO)
- Puntland oo maanta si wayn looga ciiday
- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo si weyn looga xusay Munaasabadda Ciiddul Adxa (SAWIRRO)
- Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo hambayo u diray shacabka Soomaaliyeed
- Dalka Mareykanka oo lagu xiray Haweeney Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay taageerto Xarrakatul Shabaab
- Munaasabadda Ciidul-Adxaa oo si weyn looga oogay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Malaayiin Qof oo maanta ku ciiday Muqdisho iyo duleedkeeda, ku kala tukaday goobo kala duwan