Dalka Mareykanka oo lagu xiray Haweeney Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay taageerto Xarrakatul Shabaab

Talaado, 16 November, 2010 (HOL) – Waaxda cadaaladda Mareykanka, ayaa ku eedeysay haweeney Soomaaliyeed oo ku nool gobolka California inay taageero siisay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, oo ka dagaalanta Soomaaliya.

Naciima Cali Yuusuf oo 24-jir ah, ayay ciidanka ammaanka Mareykanku ka qabteen 12-kii bishan magaalada Sandiego ee gobolka California, waxaana eedaha loo haysto ka mid ah inay lacago iyo qalab kale u dirtay Xarrakatul Shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee Marykanka, Laura Duffy ayaa sheegay in dacwadda loo haysto Naciimo, inay koox uu Mareykanku u aqoonsan yahay argagaxiso, xiriirna la leh Al-qaacida ay u dirtay lacago iyo qalab kale.

"Waxay Naciimo, been u sheegtay waaxda dambi-baarista dalka Mareykanka, kaddib markii la weydiiyay ku lug lahaanshaha inay taageerto argagaxiso caalami ah," ayay tiri Duffy, iyadoo aan bixin wax tafaasiil ah oo intaas ka badan.

Dacwadahan, lagu soo oogay Naciimo, ayaa la sheegay inay ku mudan karto xabsiga gaaraya 15 sano, iyo ganaax gaaraya 250,000-dollar. Inkastoo warar kale ay sheegayaan in xabsigeedu uu noqon karo siddeed sano, halka ganaaxuna aysan wax isbadal ah ku dhacayn.

Horraantii bishan, ayaa magaalada Sandiego ee gobolka California, lagu qabtay saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in qalab iyo lacag u direen Xarrakatul Shabaab, si ay dagaalka ugu xoojiso.

Naciima, ayaa noqonaysa haweeneydii saddexad oo dowladda Mareykanka ay ku eedeyso inay taageero dhaqaale iyo qalab isugu jirta ay u direen Xararkatul Shabaab, kuwasaoo laba ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Minnesota.

Xarrakatul Shabaab, oo maamusha inta badan gobollada Soomaaliya, ayaa waxay sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Kampala bishii July 11-keedii, kuwasaoo lagu dilay 76-qof oo daawanayay ciyaaro, laguna dhaawacay tiro 80-qof kor u dhaafaysa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya