Soomaaliya oo usoo baxday wareega 2-aad ee CAF U 17

Sabti, April 24, 2010 (HOL) -Xulka qaranka dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sanao ayaa galabta usoo baxay wareega 2-aad ee tartanka dhalinyarada kubada cgata qaarada Afrika kadib markii ay bar bar dhac 0-0 ah ku celiyeen dhigooda Kenya oo ay horayna ugasoo badiyeen.

Kenya waxaa ay u baahnayd guul 2-0 madaama ay xulka Soomaaliya horay ugasoo badiyeen Kenya oo ay ku dhufteen 3-1 cayaar ka dhacday garoonka Guuleed ee dalka Jabuuti 9-kii bishan,waxaana bareejadii maanta ay soomaaliya u ahayd guul usoo gudbisay wareega 2-aad ee tartanka dhalinyarada Afrika.

Cayaarta waxaa ay ahady in lagu qabto garoonka Kasarani ee magaalda Nairobi laakin waxaa mar dambe loo wareejiyay garoonka Oserian ee magaalada Naivasha sababo aan wali la sheegin awgood.

Madaxa wafdiga Soomaaliya caamir cabdi Xasan oo markii cayaartu soo dhamaatay kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la dajiyay hotel garoonka lagu cayaarayay u jira 90 kilo meter laguna tala gaay in laga badiyo laakin uu Allah guusha siiyay.

”Allah ayaa mahad leh tanina waxaa ay noo tahay guul maadaama ay six un noola dhaqmeen oo na dajiyeen meel aad uga fog garoonka iyo jawiga magaalada lagu cayaarayay oo aad u qaboobaa,iyadoo ay taasi jirtana waxaan ku cayaareynay minus 1 oo cyaaryahan laf dhabar ah ayaa roose nalaka siiyay”ayuu hadalkiisa sii dba dhigay caamir.

“Daqiiaadii 40-aad ee qeybtii hore ee cayaarta ayaa calaamada gaduudka nalaka siiyay cayaaryahay Maxamed Xaashi Siyaad laakin taasi ma niyad jebin wiilasha waxaana ka go’need guul oo dadaalkooda ayay sii laba jibaareen”ayuu mar kale yiri caamir cabdi xasan.

Wareega labaad ayay xulka soomaaliya ee da’ yarta ah isku dhici doonaan dhigooda dalka Masar oo lagu tilmaamo hogaanka kubada cagta qaarada Afrika. Tartanka U 17-ka Afrika waxaa uu sanadka dambe ka dhici doonaa dalkaRwanda.

Shafi’i Mohyaddin Abokar
Garoonka Oserian, Naivasha