Sabti,April 24,2010(HOL) Qaar ka mid ah Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu hayo rag looga shakisanyahay Falal argagaxiso ,kuwaasi oo laga qabqabtay meelo kala duwan oo ka mid ah Puntland.
Taliye ku xigeenka Boliska Puntland G/sare Cumar Saalax Max'ed (Canjeex) oo ka qayb galay shir ka dhacay Madaxtooyada Garowe ayaa Tilmaamay in ay jiraan dad badan oo cadow ku ah daganaanshaha Puntland ,Isla markaana Dooonaya in ay fuliyaan falal amaanka lidku ah.
Waxaa kaloo taliyaha uu si dhamaystiran uga warbixiyay Shan ruux oo ku xiran Xabsiga Garowe ,isla markaana loo haysto in ay ku lug leeyihiin Qaraxyo lala beegsaday Madax ka tirsan Federaalka iyo Puntland oo horey u dhacay
Sidoo kale Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Boliska Puntlnad G/sare Cumar Saalax Max'ed (Canjeex) in howlgalo laga fuliyay Bosaaso iyo Galkacyo lagu guulaystay,kuwaasi oo lagu qarxin lahaa meelo ka mid ah Labada Gobol.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Boliska Gobolka Mudug Col. Muuse Xasaasi oo isna maanta shir ku qabtay Galkacyo ayaa ka warbixiyay Baabuur laga qabtay Magaaladaasi ,kaasi oo siday Qalabka xabadaha la isaga difaaco.
Taliyaha ayaa sheegay in Gacanta lagu dhigay Ragii Baabuurkaasi waday oo Mid ka mid ah uu u dhashay Wadanka Yemen,isla markaana ay u gudbinayaa Jeelka Bosaaso si Maxkamada Loo saaro.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,somaliya
Taliska Boliska Puntland oo Sheegay in Maxkamada La soo Taagayo Ragg loo Haysto Falal argagaxiso.
More News
- Soomaaliya oo usoo baxday wareega 2-aad ee CAF U 17
- Ciidamada Amaanka Deegaanka Saakow oo gacanta ku dhigay Nin ku eedeysnaa in uu geystay Fal Dil ah.
- Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee da'doodu ka yartay 17 oo u gudbay wareega labaad
- Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan oo sheegay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah gadiidka dagaallka Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
- Ciidamada AMISOM oo saldhig ka sameystay Bankigii Ganacsiga Muqdisho iyo Hotel Curuba oo laga saaray dad barakayaal ah
- Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sababay dhimasho iyo dhaawac
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Waxaan ahayn guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana jirto sabab igu kalifaysa inaan iscasilo"
- Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljamee ka hadashay is balaarinta A-shabaab ee Goballka Galgaduud.
- Baarlamaanka dalka Musambiik oo ka codsaday dowladdooda inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo cambaareeyay falalkii lagu dilay shaqaale dayactir ka yahay Baarlamaanka Soomaaliya