Sabti, April 24, 2010 (HOL) - Ciidamada amaanka ee xarakada shabaabul mujaahidiin ee deegaanka saakow ayaa maanta gacanta ku dhigay nin ku eedeysnaa in uu fal dil ah ka geystay deegaankaasi saakow ee gobolka j/dhexe.
Ninka ay maanta qabteen ciidmada amaanka deegaanka saakow ayaa ku eedeysnaa in uu dil u geystay gabar yar taa oo uu maamulku sheegay in uu isku dayay in uu kufsado kadib markii ay isku dayday in ay iska difaacdana uu gacantiisa ku dilay.
Taliyaha ciidamada amaanka deegaanka saakow Sheekh Jaabir uu u warmayay saxaafadda ayaa sheegay in ay ninkaani kasoo qabteen nawaaxiga deegaanka saakow waxaana uu sheegay in ay u gudbin doonaan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka j/dhexe.
Sheekh Jaabir ayaa intaasi ku daray in ninkaasi la soo taagi doono maxkamadda degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe kadibna la marsiin doono waxa ay ka qabto shareecada islaamka.
Sikastaba ha ahaatee inta la ogyahay waa markii ugu horeysay ee ay ciidamada amaanka deegaanka saakow gacan ku dhigeen nin ku eedeysan in uu geystay fal dil ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya