![]() |
| Madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan
|
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah mudanayaasha la safan Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in qorshahan u yahay mid uu ka dambeeyo Shariif Xasan oo diidan in lala xisaabtamo Xukuumadda.
"Mooshinnnada socda waxaa ka dambeeya Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan oo doonaya in la baabi'iyo la xisaabtanka Dowladda, maadaama xukuumaddu aysan wax xisaab-celin ah hayn 14-kii bilood ee ay dhisnayd" ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in mudanayaasha wada mooshinka ka dhanka ah Sheekh Aadan Madoobe ay xiriir dhow la leeyihiin Shariif Xasan iyo Madaxweyne Sheekh Shariif, ayna doonayaan inay carqaladeeyaan howlaha Baarlamaanka.
Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan ka hadlin eedeyntan loo jeediyay, balse Mudanayaasha la sheegay inay xiriir la leeyihiin oo wada mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa iska fogeeyay eedeynta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo xilkan kala wareegay Shariif Xasan Sheekh Aadan 2007 ayaa aqbalay in codka kalsoonida loo qaado marka uu furmo baarlamaanka uuna ku qanco wixii soo baxa.
Muranka baarlamaanka ayaa cirka isku shareeyay iyadoo mudanayaasha qaba fikirka ah inuu dhammaaday xilligii shaqo ee guddoonka Baarlamaanka ay ku goodiyeen inay dooran doonaan guddoomiye cusub marka u shirku furmo berri oo Axad ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
