Ciidamada AMISOM oo saldhig ka sameystay Bankigii Ganacsiga Muqdisho iyo Hotel Curuba oo laga saaray dad barakayaal ah

Sabti, April 24, 2010 (HOL) Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa saldhig ciidan ka dhigtay Bankigii Ganacsiga iyo Hotel Curubo oo ku yaalla degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, halkaasoo lagu arkayay maanta iyagoo nadiifinaya.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Shangaani ayaa sheegay in ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka tirsan AMISOM oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Soomaaliya ay Bankiga dageen shalay oo Jimco ahayd.

"Ciidamo wata gaadiid dagaal oo aad u fara badan ayaa soo dagay Hotel Curuba iyo Bankigii ganacsiga, halkaasoo dhawaan laga saaray dad barakayaal ah" ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ahaa dadka degmada Shingaani ku nool oo la hadlay HOL.

Goobjoogahan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay adkeeyeen amaanka hareeraha dhismayaasha ay dageen, iyadoo saldhigan uu noqonaya kii ugu horreeyay oo ay AMISOM ka sameysato Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dagaallada ugu badan ee u dhexeeya Dowladda iyo xoogagga ka horjeeda.

Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM la dajiyay Bankigii hore iyo Hotel Curuba, si ay u sugaan ammaanka Dekedda weyn ee Muqdisho iyo Xarunta Maamulka Gobolka.

Barakacayaashii laga saaray Hotel Curuba iyo Bankigii Ganacsigaq oo aan weli helin meel ay dagaan ayaa sheegay in maamulku uu ku wargeliyay in la dhisi doono labadan xarumood, balse ay aad ula yaabeen markii la dajiyay AMISOM.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu gaarayso 5,300-askari ayaa waxay saldhigyo aan badnayn ku leeyihiin Muqdisho, iyagoo sidoo kalena ilaalo ka haya Dekedda Muqdisho, Garoonka iyo Madaxtooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya