Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan oo sheegay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah gadiidka dagaallka Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Sabti, 24, April, 2010 (HOL) Inkastoo aan Saxaafada loo soo badhigay ayaa haddana Mas'uuliyiinta Maamulka Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan degmooyinka Goballka Hiiraan waxaa ay sheegeen in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah gadiidkii dagaallka Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballada Baratamaha Soomaaliya.

Waaligga Waaliyada Goballka Hiiraan ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab Yuusuf Cali Ugaas oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu dhinacood uu soo goostay mid ka mid ah gadiidkii dagaallka ee Culima'udiinta Ahlu Sunna Waljameeca horayna uga tirsnaa Maamulkii Maxkamadaha Goballka Hiiraan.

Shiikh Yuusuf Cali Ugaas waxaa uu sheegay in siweyn loo soo dhaweeyay dhaliyarradii la soctay Gaari sida uu sheegay u soo goostay dhinacooda kuwaasoo sida uu yiri u sheegay Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab in ay dhibaatooyin adag ku qabeen dhinicii ay ka soo tageen ee Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo intaa ku darray in wali Ciidamada ku harsan ay ugu baaqayaan in ay ku soo biiraan nidaamka Islaamiga ah isagana soo haraan wax uu ku tilmaamay kooxaha u kaalmeynaya Cadawgga.

Waa markii ugu horeysay oo ay sheegeen Mas'uuliyiinta Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gacanta ku haya Goballka Hiiraan uu u soo galay Gaari nooca dagaallka ah oo ka soo goostay Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, inkastoo dhowr jeer oo hore sida oo kale Maamulka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne uu sheegay in ay ku soo biireen Ciidamo ka tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca iyo Maamulkii hore ee Goballka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya