
Sabti, April 24, 2010 (HOL) Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee ay da'doodu ka yartay 17 ayaa u gudbay wareega labaad ee is reebreebka CAF ka dib markii ay eber iyo eber (0:0) isku dhaafiwaayeen Kooxda kubadda cagta ee dalka Kenya. Kooxda Soomaaliya ayaa magaalada Jabuuti horay 3 iyo 1 uga soo guuleystay kooxda Kenya.
Cayaartaan oo ka dhacday garoonka Oserian ee ku yaal magaalada Naivasha ayaa waxaa aad ugu yaraa taageerayaasha Soomaaliyeed oo aad u daneynayey in cayaartani ka dhacdo magaalada Nairobi oo ay deggen yihiin Soomaali aad u farabadan.
Tababaraha kooxda kubadda cagta Soomaaliyeed Maxamed Cabdulle Farayare oo u warmayey Hiiraan Online ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay guushaan u soo hoyatay kooxdiis, rajo weyn uu ka qabo in sidoo kale uga guuleystandoonaa kooxda ku soo fuul leh oo ah dalka Masar.
"Inkasta oo cayaarta qaytii kowaad nalaga saaray cayaartooy aad u wanaagsan, rigoorana loo dhigay kooxda Kenya, haddana waxaa noo suura gasahay in aan ka guuleysano kooxda Kenya" ayuu yiri tababare Farayare.
Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ayaa wareegan labaada la ciyaaridoonta kooxda kubadda cagta ee Masar oo ay da'doodu ka yartay 17.