Sabti, April 24, 2010 (HOL) Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaaliyeed (Sharmoc) waxa uu cambaareynayaa walaac iyo argagaxna ka muujinayaa falkii Dhawaan lagu Xasuuqay 5 kamid ah Shaqaalaha Dhismaha ee ka Howlgala Magaalada Muqdisho kuwaasoo si arxan darro ah loo laayey.
Dadkan la laayey ayaa waxaa maydkooda oo Madaxyada laga jaray Waxaa lasoo dhigay Qubuuraha Barakaaat ee Degmada Huriwaa, halkaas oo ah goob ay ka taliyaan Kooxaha Islaamiyiinta gaar ahaan Al-Shabaab oo falal caynkaan oo kale ah horey uga fuliyey Magaalada Muqdisho iyo gobalada Dalka qaarkood, waxaana shantan qof ee la dilay dilkooda loo adeegsaday qoorgooyo taasoo markii la helayey Maydadkaas oo gacmaha iyo Lugaha ka xiran ay ahaayeen kuwa Madaxyadu agyaaliin.
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed ee Sharmoc oo baaris ku sameeyey falkaaan ayaa xaqiijinaya in 5-ta nine e la dilay ay ahaayeen shaqaale ka shaqaynayey dhismaha Guriga Umadda ee Xarunta ah u ah Baarlamanka KMG ah ee Somalia, waxaana ehelada dadka si arxan darada ah loo dilay ay sheegeen in dhowr jeer ay yimaadeen aqlada raga la dilay rag ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, hase ahaatee aanay u suurta gelin in ay helaan, waxaanse markii dambe la helay mid kamid ah shaqaalahaas oo bixiyey
Macluumaadka halka ay ku sugan yihiin dadkaas.
Mid kamid ah Xaasaska Ragga la dilay oo Magaceeda aan uga tagnay sababao la xiriira Ammaankeeda ayaa inoo xaqiijisay in ay wada garanaysay dhamaan dadka lala dilay ninkeeda sababtuna ay tahay in ay nolol maalmeedkooda kasoo dhacsanayeen dhismaha Baarlamanka KMG ah ee Somalia oo haatan dhamaaday, waxaana inta badan ragga la dilay ay ka tageen Caruur yaryar oo aan cid kale u maqneyn.
Xogta uu helay Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee Sharmoc ayaa tibaaxaysa in raggan intii aan la dilin ka hor la geeyey xarumo ay ku sugnaayeen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab ee Xaafadaha Dayniile iyo Suuqa Xoolaha taasoo lagu macneeyey Maxkamad degdeg ah, waxaaana maalmo kadib maydkooda laga helay meel aan sidaas uga fogeyn Qubuuraha Al-Barakaat.
Dadka la dilay aya aloo dilay Xirfadooda shaqo maadaama ay ahaayeen dad xoogooda uga maarmaay falal ay ku mutaysan lahaayeen ciqaabo haddii ay geli lahaaayeen sida Tuuganimo, dhac iyo waxyaabo kale, iyadoo la ogyahay shaqaalaha dhismaha ama kuwa qabta adeega guud in ay yihiin kuwa u siman dhamaan umadda oo shaqadaas u qabta hadba ciddii doonaysa shaqo, waxayna cabsi horleh ku abuureysaa dadkii xirfadooda shaqo ku xoogsan jiray.
Dhacdadaan foosha Xun oo aan ahayn markii koowaad ee ay ku dhacdo shaqaale farabadan oo ka tirsanaa Hay’adaha Samafalka, NGO-yada Adeegyada Bulshada iyo Shaqooyinka Dowladdu Bixiso yuu Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc ku eedeynayaa in aan Dowladda KMG ah ee Somalia aysan ka qabanin wax muuqda sugida Ammaanka gaar ahaan dadka aan ka dhalan qabiilooyinka Hubaysan, waxaana Dowladdu ku guuldareysatay in ay dadkii ay shaqada u dirsatay in ay si nabad ah u samata bixiso.
Waxaa Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanuha Sharmoc ugu baaqayaa Dowladda KMG ah, Ururka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ugu baaqayaa in ay si hufan u baaraan dhacdadaan xanuunka badan ee waxashnimo ee liddiga ku ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Diinta Islaamka iyo dhaqanka uuban ee Somalida waana in dadkii ka dambeeyey Maxkamad lasoo taago, taasoo haddii ay ka baaqasadaan ay noqon doonaan kuwa lagu xisaabiyo lagunasoo taago Maxkamad caalami ah.
Ugu Dambeyn Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu uga digayaa dhinacyada isku haya siyaasadda Somalia in ay ixtiraamaan Xeerarka Caalamiga ah oo aysan ku xadgudbin xuquuqda dadka aan qaybta ka ahayn isjiijiidka siyaasadeed ee u dhexeeya.
Wabilaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan Gacal
Guddiga Dabagalka guddiga (SHARMOC)
London, United Kingdom
Email. [email protected]
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo cambaareeyay falalkii lagu dilay shaqaale dayactir ka yahay Baarlamaanka Soomaaliya
More News
- Soomaaliya oo usoo baxday wareega 2-aad ee CAF U 17
- Ciidamada Amaanka Deegaanka Saakow oo gacanta ku dhigay Nin ku eedeysnaa in uu geystay Fal Dil ah.
- Kooxda Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee da'doodu ka yartay 17 oo u gudbay wareega labaad
- Maamulka Al-shabaab ee Goballka Hiiraan oo sheegay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah gadiidka dagaallka Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
- Ciidamada AMISOM oo saldhig ka sameystay Bankigii Ganacsiga Muqdisho iyo Hotel Curuba oo laga saaray dad barakayaal ah
- Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo sababay dhimasho iyo dhaawac
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Waxaan ahayn guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana jirto sabab igu kalifaysa inaan iscasilo"
- Taliska Boliska Puntland oo Sheegay in Maxkamada La soo Taagayo Ragg loo Haysto Falal argagaxiso.
- Saraakiisha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljamee ka hadashay is balaarinta A-shabaab ee Goballka Galgaduud.
- Baarlamaanka dalka Musambiik oo ka codsaday dowladdooda inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya
- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay khilaafka u dhexeeya Xildhibaannada Baarlamaanka