Khamiis, September 03, 2009(HOL): Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo u direyso Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Midowga Afrika, kuwaasi oo caawinaya Dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muuse ayaa u sheegay TV-ga laga leeyahay Dalka Iiraan ee Press TV in Ciidamada ay Jaamacadda Carabta u direyso Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo caawin doona Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Caamir Muusa wuxuu intaas ku daray in ay Ciidamada ka socda Dalalka Carabta ay soo celin karaan sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, wuxuuna taas sabab uga dhigay iyadoo Ciidamada Carbeed ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah.
Hadalkan uu sii daayay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Dalalka Caalamka ina y Ciidamo u soo diraan Soomaaliya, kuwaasi oo kaalmeyn doona Dowladda Soomaaliya oo dagaallo kula jirta kooxo ka soo horjeeda jiritaankeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya