Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Swizarland oo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Goballka Hiiraan.

Khamiis, 3, Sep, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Swizarland Eng, Cabdicasiis Axmed C/dulle oo xiriir toos ah la soo sameeyay HOL ayaa wax lala yaabo marna laga xumaado ku tilamaamay hadalkii dhawaan uu warbaahinta ka sii dayay Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo sheegay in Maamulka Goballka ka madaxnaan yahay Dowladda Soomaaliya.
 
Eng, C/siis waxaa uu sheegay in qurba joogta ka soo jeeda Goballka intooda badan siweyn ula yaabeen markii ay maqleen warkaa isaga ah, waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya Goballka Hiiraan ka caawineyso arrimaha Nabad-galyada, isaga oo intaa ku sii daray in ay u arkaan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow mid carqalad ku abuuraya Nabad-galyada hadda ka jirta Goballka gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
 
''Shacabka reer Hiiraan waxaa ay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya lana shaqeyn doonaan, cidii dan u aragta waqtigan in xisbiyo iyo ururo lagu biiro lagu gaarayo danta shacabka reer Hiiraan waxaa leenahay la laabo fikirkaaga guracan ayuu yiri Eng, C/siis Axmed C/dulle Madaxa Jaaliyadda Hiiraan ee Swizarland oo dhinaca kalana ku eedeeyay Guddoomiyaha Goballka in loo heysto danbiyo la xiriira sida uu hadalka u dhigay falal horay Goballka uga dhacay.
 
Jaaliyadda Goballka Hiiraan ee dalka Siwazarland ayaa dhinaca kale ugu baaqday Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne in ay sii wadaan howlaha ay qaranka u hayaan simarkaa bulshada looga samata bixiyo dhibaatada soo daashatay mudada fog.
 
Baaqa Jaaliyadda iyo dhaleeceyta loo jeedinayay Guddoomiyaha Maamulka Goballka ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili lagu arkay gudaha Magaalada Beledweyne warqado sida ku cad ay diyariyeen Aqoonyahannada ka soo jeeda Goballka, kuwaa oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya dhinaca kalana lagu canbaareynayo hadalkii dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Goballka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onilne
[email protected]