Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Taliyayaal Ciidamo

Khamiis, September 03, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo taliyayaal Ciidamo.

Digreeto uu madaxweynaha soo saaray oo uu saxiixay 2-dii bishan ayuu ugu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Salaad, iyadoo dhawaanahanna uu gobolka ahaa mid aan lahayn guddoomiye rasmi ah.

Madaxweyne Faroole waxaa kale oo uu Digreetadan ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo loo magacaabay G/lle sare Axmed Xasan Cali Afey, halka ku xigeenkiisa koowaadna  loo magacaabay G/lle sare Maxamed Siciid Jaqanaf, halka ku xigeenkiisa labaadna loo magacaabay G/lle sare Muuse Axmed C/raxmaan (Muuse Xasaasi).

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayuu sidoo kale madaxweynaha u magacaabay Muuse Cismaan Faarax, halka Taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo-na uu u magacaabay G/lle Dhexe Siyaad Maxamuud Bicil.

Saraakiishan uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay falal nabadgelyo darro ah ka jireen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isla markaana magaaladaas lagu dilay wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac Seefta Bannaanka iyo Culumaa’udiin tabliiq ahaa. Sidoo kalena magacaabistana yaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo la sheegay in uu is-toogtay Taliyihii hore ee Ciidamada Puntland.

Maxamed Cali Royter
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya