Khamiis, September 03, 2009(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Burundi ee fariisinka ku leh Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyoXoogag hubeysan oo ka soo horjeedaa ayaa wuxuu caawa maqribnimadii ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu qarxay kaddib markii ay xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada Amisom iyo Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Fariisimada ay Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Burundi ay ku leeyihiin Kuliyaddii Jaalle.
Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa wuxuu geystay dhimashada 5 ruux iyo dhaawac tiro dad ah oo intaas ka sii badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ay xaafadahooda ugu tageen madaafiic ay dhinacyada dagaallamay isweydaarsadeen. Xaafadaha ay Dadka ku dhinteen ayaa waxay ka tirsan yihiin Degmooyinka Hodan iyo Dayniile.
Dagaalkan ayaa wuxuu qalqal iyo cabsi ku abuuray dad badan oo ku nool degmooyinka Hodan iyo Dayniile, kuwaasi oo xiliga dagaalka bilaabanayay isu diyaarinayay in ay afuraan bacdamaa ay maanta oo dhan soomanaayeen.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bilaabatay bisha ramadaan waxaa xiliga afurkii dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo dagaalladaasna ay mararka qaarkood geystaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Mas’uuliyiin u hadlay dhinacyada hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegeen in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay sii kordhin doonaan dagaallada ay ku qaadaan fariisimada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ciidamada Amisom.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal maqribnimadii caawa ka dhacay Muqdisho
More News
- Jaamacadda carabta oo sheegtay inay Ciidamo u direyso Soomaaliya
- Dagaalkii Deegaanka Caad ee Degmada Xarar-Dheere oo dib u soo cusboonaaday
- 15 Kooxood oo Kubadda Cagta ah oo waxqabad la'aan ku eedeeyay Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta, kuna baaqay in Doorasho KMG ah la qabto
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyay Farriintii uu Amiirka Al-Shabaab u diray Maamulka iyo Shacabka Somaliland
- Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Taliyayaal Ciidamo
- Gaari safar ah oo lagu rasaaseeyay duleedka Degmada Jowhar
- Ciidamada Malta oo badbaadiyay 84 Soomaali ah oo si sharci darro ah ku socdaalayay
- Hay’adda Caalamiga ah ee Oxfam oo ku baaqday in si dhab ah wax looga qabto xasaradaha ka taagan Soomaaliya
- Jaaliyadda Hiiraan ee dalka Swizarland oo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Goballka Hiiraan.