Dagaalkii Deegaanka Caad ee Degmada Xarar-Dheere oo dib u soo cusboonaaday

Khamiis, September 03, 2009(HOL): Dagaalkii dhawaan ka dhacay Deegaanka Caad oo hoosyimaada Degmada Xarar-Dheere ee Gobolka Mudug ayaa maanta dib u bilowday kaddib markii ay miro dhali waayeen dadaallo colaad-joojin ah oo ay wadeen Odayaal, Waxgarad iyo Culumaa’udiin.

Dagaalka maanta dhacay ayaa inta la hubo waxaa uu geystay dhimashada 6 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay.

Dagaalkii hore ee xalintiisa loo fadhiyayna waxaa uu geystay dhimashada dad ku dhow 20 ruux iyo tiro dhaawac ah oo intaas ka badan, kuwaasi oo isugu jiray dhinacyadii dagaalka u dhaxeeyay iyo weliba dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sida ay sheegeen Odayaasha iyo Waxgaradka ku howlan joojinta colaaddan, beelaha dagaallamaya ayaa waxay isku hayaa aano qabiil iyo muran ku saabsan dhinaca deegaanka.

Odayaal ay isku heyb yihiin dhinacyada dagaallamaya oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa waxay mar kale dadaal ugu jiraan sidii dagaalka loo joojin lahaa, isla markaana xal buuxa looga gaari lahaa waxyaabaha ay beelaha walaalaha ah ee dagaallamaya ay isku hayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya