Khamiis, September 03, 2009(HOL): Sida uu shaaciyay Websiteka The Malta Independent Online, Muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci darro ah ku socdaalayay, isla markaana ay tiradooda gaareysay 84 ruux ayaa waxaa u soo gurmaday oo badbaadiyay Ciidamada Dalka Malta.
53 ruux oo dadkaas ka mid ah ayaa waxay ahaayeen rag, halka 29 ruux oo kalena ay ahaayeen haween ay afar ka mid ah xaamilo ahaayeen. Waxaa sidoo kale dadkaas ka mid ahaan labo caruur ah. Dadkani muhaajiriinta ah ayaa markii ay Ciidamada Malta gacanta ku dhigeen waxaa loo gudbiyay xero qaxooti oo ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ka sameystay Dalka Malta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Ciidamada Badda Talyaaniga ay gacanta ku dhigeen Tahriibayaal Soomaali u badan, kuwaasi oo doonayay in ay dalka Talyaaniga si sharci darro ah ku galeen, waxaana dadkaasi dib loogu soo celiyay Dalka Liibiya oo ay markii hore ka baxeen. Dowladaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa ku heshiiyay in ay joojiyaan dadka sida sharci darrada ah uga tahriiba Liibya ee Talyaaniga gala.
Dad Soomaaliyeed oo aad u badan oo si sharci darro uga tahriibay Dalka Liibiya ayaa waxay galeen Dalalka Talyaaniga iyo Malta, iyadoo markii ay halkaas gaareenna laga qaaday faro ka hortegaya in ay u sii gudbaan dalalka kale ee Yurubta, isla markaana ay sharci ka helaan, waxayna taasi ku keentay dadkaasi in ay iska joogaan dalka Talyaaniga oo aan shaqo badan lahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya