Khamiis, September 03, 2009(HOL): Hay’adda Caalamiga ah ee Oxfam ayaa waxay ku baaqday in si dhab ah wax looga qabto xasaradaha ka taagan dalka Soomaaliya, si bey tiri loo badbaadiyo dad badan oo ku barakacay colaadaha ka taagan Soomaaliya.
Hay’adda waxay ka digtay in beesha caalamka ay ku guuldareysato in wax laga qabto xasaradaha ka taagan Soomaaliya, kuwaasi oo haddii aan xal loo helin keeni doona in dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya ay u gudbi doonaan dalalka Soomaaliya la deriska ah.
Afhayeen u hadlay Hay’adda Oxfam oo lagu magacaabo Robbert Van den Berg ayaa sheegay in dad badan oo ka qaxay isku dhacyada hubeysan ee ka jira Soomaaliya iyo kuwo kale oo ay abaaro barakiciyeen ay si aan la qiyaasi karin ugu nool yihiin xerooyin qaxooti oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ah.
“Boqolaal kun oo caruur ah ayaa waxaa saameeyay colaadaha ka jira Soomaaliya waxaana sidaasi ku lumay jiilkii soo kori lahaa ee Soomaaliya”ayuu yiri Robbert Van den Berg oo intaas ku daray dad kale oo aad u badan oo da’aad kala duwan leh ay ku nool yihiin xerooyin buux dhaafay oo ku yaalla Kenya, Itoobiya iyo xitaa Soomaaliya gudaheeda. Isla xerooyinkaas dhexdooda ayaa waxaa dadka ku heysta xaalado nolol xumo ah, mana ka jiraan wax adeeg bulsho ah, gaar ahaan biyo nadiif ah iyo dawo.
Oxfam waxay sheegtay in Beesha Caalamka ay ceeb ku tahay in aysan waxba ka qaban xerooyinka sii buuxdhaafaya ee yaalla Kenya, sidoo kalena waxay xustay in Dowladda Kenya oo iyadana bixisay ballanqaadyo ku saabsan in ay kala fududeyneyso dadka isku dul saaran xerooyinkaas aysan ilaa iyo haatan ballanqaadkaas waxba ka fulin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya