15 Kooxood oo Kubadda Cagta ah oo waxqabad la'aan ku eedeeyay Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta, kuna baaqay in Doorasho KMG ah la qabto


Khamiis, September 03, 2009(HOL): Kulan aad u ballaaran oo ay maanta isugu yimaadeen ilaa 15 kooxood  oo ka tirsan kooxaha u diiwaan gashan xiriirka kubadda cagta ayaa waxaa ay ku inkireen jiritaanka xiriirka kubadda cagta kaddib markii ay sheegeen in 4tii sano ah ee ugu danbeysey uusan waxba ka qaban horumarinta Isboortiga, gaar ahaan kubadda cagta oo ay u xilsaarnaayeen.

Kulankan oo qaatay muddo saacado ah isla markaana saxaafadda loo diiday ayay ku yeesheen gudaha hotelka naasahablood 2 ee Muqdisho waxaana kaddib ay soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd in si dhaqsi ah loo agaasimo doorasho ku meel-gaar ah inta laga gaarayo doorashada guud ee xiriirka kubadda cagta bisha may 2010.

Bashiir Salaad Barre oo ah gudoomiyaha naadiga Camel oo ugu horeyn halkaasi ka hadley ayaa xusey in nasiib darro ay tahay in muddo 4 sano ah aan la qaban wax tartamo ah sidaa darteedna lagama maarmaan ay tahay in kooxuhu ay go'aan cad ay ka qaataan sidii lagu gaari lahaa horumarinta danaha kooxaha kubadda cagta.

Sidoo kale waxaa hadley Maxamed Macalin Cabdulle Abukar (Atako) oo ku hadlayey magaca gudoomiyaha ururka kooxaha kubadda cagta  isaga oo xusay in xiligan la gaarey xiligii ay kooxuhu kala garan lahaayeen dantooda guud ayna waajib ku tahay in ay qataan Go'aanka ah in la qabto doorasho hogaan cusub si loo samata bixiyo kubadda cagta dalka.

Cabdullaahi Aabow Xuseen oo isagana ah gudomiyaha naadiga bariga dhexe ayaa xusey in lagama maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorasho guud isaga oo mar la weydiiyey sida uu u arko jiritaanka xiriirka uu ku xigeenka ka ahaa sheegey inuu ogolyahay go;aanka ay kooxuhu gaaraan ee ah in doorasho la qabto. 

Cabdi Jiinow alasow oo ah gudoomiyaha naadiga dekedaha oo hormuud u ahaa guddiga qaban qaabada kulankaasi ayaa isagana halkaasi ka hadley waxaa uu xusey in ay nasiib darro ay tahay in kubadda cagta dalka Soomaliya ay mugdi sii galayso kaddib markii ay soo baxeen waa sida uu hadalka u dhigaye shaqsiyaad kala sheeganaaya mas'uuliyadda xiriirka kubadda cagta.

Mr jiinow ayaa waxaa uu intaasi ku darey in ururka kubadda cagta Adduunka ee FIFA oo ay ka rajeynayeen in ay xalineyso kala sheegashada iyo xarig-jiidka ka jira Soomaliya Isboortigeeda  ay la kala safteen qeybaha isku haya madaxtinimada xiriirka kubadda cagta soomaliya taasina ay marqaati cad u tahay kaddib markii ay dhowr jeer websitkooda ay ku soo kala qoraan gudoomiyayaal cusub oo uu xiriirku leeyahay.

Kooxuhu markii ay arkeen in wax horumar ah aysan sameynin gudoonkii loo soo doortey kubadda cagta isla markaana wax dhaq dhaqaaq Isboorti ah uusan ka jirin dalka muddo 4-5sano oo ugu dambeysey  waxaa ay kooxuhu garteen in ay soo saaraan qodobada.

1. In wixii ka bilowda 1-9-2009 kooxaha kubadda cagta ee kulankaasi jooga aysan aqoonsaneyn wax xiriir kubadda cagta ah oo ka jira dalka.

2.In muddo 4--5 sanoadood ah dalka soomaliya aysan soo gaarin wax horumarin kubadda cagta ah haka yimaado fifa ama x.k.cagta soomaliya intaba.

3.Si doorashada kubadda cagta ay u noqoto mid waafi ah oo ay ka qeybgalaan dhamaan gobolada dalka soomaliya ay tahay marka la helo nabadgelyo in laga qeyb geliyo oo ay xaq u leeyihiin.

4. Waxaan aad ugu faraxsanahay in dowladda ku meel gaarka ah uu wasiirka sportiga uu ka yahay nin sportiga wax weyn ka yaqaana sidaa darteed uu ka shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorasho ku meel-gaar ah,ayna goob joog ka ahaadaan wakiilo ka socda xiriirada kubadda cagta ee Fifa iyo Caf.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi laga aqriyey magacyadda ilaa 16 kooxood oo goobjoog ka ahayd kulankaasi waxaana ay kala yihiin:- Dekedaha, Camel.Midnimo, Feynuus, B/telecom, Standard, Bariga Dhexe, Kesco, Albeder, Gesko, Gantaalaha Afgooye, Hilaac FC, Jamhuuriya, Geska Africa.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey ee tiro kooxo intaan la-eg ay soo saaraan war ku aaddan in aysan aqoonsaneyn jiritaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya  iyo codsi ku aadan in la qabto doorasho ku meel gaar ah oo uu yeesho gudoonka xiriirka kubadda cagta.



Cabdi Xafiid Zaciimka
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya