Amiirka Al-Shabaab oo riddo ku tilmaamay maamulka Somaliland, farriinna u diray Shacabka Somaliland
Khamiis, September 03, 2009(HOL): Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo farriin cod ah oo uu soo diray caawa laga baahiyay Idaacadaha Muqdisho ayaa wuxuu maamulka Somaliland ku tilmaamay mid riddo ah oo aan dooneyn in ay dadka Somaliland qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Shiikh Mukhtaar Abuu Zubery wuxuu ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu dadka u keenay wax uu ugu yeeray busaarad iyo biyo la’aan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka lagu mashquuliyo arrimo ictiraaf iyo aqoonsi caalami ah. Dhinaca Ammaankana wuxuu sheegay in maamulka uu dadka oo dhan ka dhigay nabad-sugid dad aan waxba galabsan dembiyo ku soo oogta.
Wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xiisadda u dhaxeysa xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka, wuxuuna sheegay in aysan dhinacyada ishaya shacabka Somaliland u heynin wax horumar iyo mustaqbal ah isla markaana sida uu yiri ay danahooda eeganayaan, sidaas darteedna wuxuu dadka Somaliland ugu baaqay in ay aayahooda ka tashadaan.
Wuxuu shacabka Somaliland uga digay Amiirka Al-Shabaab in ay raacaan sida uu yiri doon ay naaquude ka tahay Itoobiya, wuxuuna shacabka ugu baaqay in aysan guryahooda ka kireysan, soona dhaweysan dadka Itoobiyaanka ah, sidoo kalena wuxuu uga digay dadka Somaliland in ay diyaaradaha Itoobiya raacaan.
Intaas kaddib wuxuu Abuu Zubeyr farriintiisa kula hadlay Dhalinyarada iyo Culumaa’udiinka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay aayahooda ka tashadaan, halka culumaa’udiinkana uu ugu baaqay in ay dadka xumaha ka wacdiyaan, wanaagana ay faraan.
Farriintan uu soo diray Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa waxay tahay middii ugu horreysay oo uu kula hadlo dadka Somaliland, isla markaana uu ku weeraro Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo la xusuusan yahay in uu farriimahiisii hore inta badan uga hadli jiray arrimaha Koofurta Soomaaliya iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya