Arbaco, September 02, 2009(HOL):Waxaa sii kordheysa tirada dad ku dhaawacmay dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Ku dhawaan 40 ruux oo rayid ah ayaa la sheegay inay dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdish, waxaana dadkaasi la dhigay Isbitaallada Madiina iyo Keysaney ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dadkaasina ay isugu jiraan Caruur, Haween, Dhalinyaro iyo Dad Waayeello ah.
Dadkani ayaa waxay ku dhaawacmeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Boondheere iyo Shibis, kuwaasi oo ay shalay gelinkii dambe iyo gelinkii hore ay ka dhaceen dagaallo xooggan.
Dagaallada inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay waxyeellada ugu badan ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay rasaas iyo madaafiic habow guryahooda ugu tagaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo mar kasta oo ay dagaallo dhacaan ay dhibaatooyin lixaad leh soo gaarayaan dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay dagaallada ka socdaan sida Muqdisho oo kale ayaa haddana waxaanan muuqan rajo laga qabo in ay dagaalladan so oaf-jarmaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya