Djibouti oo Ciidamo u Direysa Somalia

By Abdirahman Aynte
Washington
02-September-2009

Arbaco, September 02, 2009(HOL): Jamhuuriyadda Djibouti ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay inay ciidamo nabad-ilaalin ah u direyso Somalia, kuwaas oo kamid noqda kuwa AMISOM ee jooga Muqdisho. Danjiraha Djibouti ee Washington, Roble Colhaye, ayaa wareysi gaar ah oo uu VOA-da siiyey ku xaqiijiyey arrintaas.

Danjire Colhaye ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka jawaabeysay qeylo-dhaan kasoo yeertay DKMG ah ee Sheikh Sharif. Wuxuuna ka gaabsaday inuu cayimo tirada ciidankaas, iyo goorta ay Muqdisho tagi doonaan.

Wuxuu kaloo ka gaabsaday warar sheegaya in ciidanka Djibouti ay la wareegi doonaan ilaalinta Madaxweyne Sheikh Sharif, iyo waliba guriga madaxtooyada. Wuxuu sheegay in ciidankaas ay qaban doonaan shaqo walba oo loo diro.

Jamhuuriyadda Djibouti ayaa tan iyo 1991-kii isku taxallujisay inay dhexdhexaadiso kooxaha isku haya Somalia. Waxayna noqoneysa markii ugu horreysay ee ay si toos ah ciidan usoo dirto Somalia.

Isha Warka: Laanta Soomaaliga ee VOA