MADAXWEYNAHA UGANDA: “Dowladda Uganda waxay sameyn doontaa wax kasta oo ay ku sugeyso ammaanka Soomaaliya”

Arbaco, September 02, 2009(HOL):Madaxweynaha Dowladda Uganda Yoweri Moseveni ayaa shaaca ka qaaday in Ciidmada Uganda ee magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya ay qabteen howl aad u wanaagsan oo dhinaca amni sugidda ah.

Madaxweyne Moseveni ayaa hadalkan jeediyay xili uu madaxtooyada Uganda kula kulmay Susana Malcorra oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kala shaqeysa arrimaha caawinta dalalka Afrika. Madaxweyne Moseveni waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in tababarro iyo qalab loo helo ciidamada Dowladda Soomaaliya, si buu yiri ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka dalka Soomaaliya.

“Uganda waxay sameyn doontaa wax kasta oo ay ku sugeyso ammaanka Soomaaliya, waase haddii buu yiri ay helaan ciidamadeeda qalabka ay u baahan yihiin”ayuu yiri Madaxweyne Moseveni oo ka mid ah madaxda Afrika ee sida dhow ula socda xaaladda dalka Soomaaliya, isla markaana doonaya in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

Danjire Malcorra oo kulankaas ka hadashay ayaa iyadana si weyn ugu ammaantay madaxweynaha Uganda howsha ay Ciidamadiisa ka hayaan Soomaaliya, sidoo kalena waxay soo dhaweysay dadaalka dowladdiisa ee ku aadan nabad ku soo celinta Soomaaliya.

“Dowladda Uganda waxay si qiyaarkeed ah u sameysay in ay noqoto tusaale saldhig wax dejin kara, Qaramada Midoobayna waxaa ka go’aan ah inay caawiso Ciidamada Amisom”ayay tiri  Danjire Susana Malcorra.
 
Dowladda Uganda ayaa waxaa soo Soomaaliya ka jooga Ciidamo ka badan 2000 oo Askari, kuwaasi oo magaca Amisom uga howlgelaya Soomaaliya. Sidoo kalena Ciidamo ka socda Dowladda Burundi oo tiradaas la eg ayaa iyana waxay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya