Arbaco, September 02, 2009(HOL): Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxay caawa ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ka yimid socdaal uu ku soo maray dalalka Qadar iyo Imaaraadka Carabka, halka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliyana uu ka soo yimid Dalka Liibiya oo uu uga soo qeybgalay shirkii aan caadiga ahayn ee ay madaxda Midowga Afrika ku yeesheen Dalkaas. Labadan mas’uul ayaa la filayaa in ay waqtiyada soo socda dib ugu soo noqdaan dalka Soomaaliya, iyadoo socdaalkoodanna uu qaatay waqti aad u kooban.
Haatan waxaa labadan mas’uul Ku simayaal u sii kala ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo madaxweynaha ka wakiil ah iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga Prof. C/raxmaan Ibbi oo isna Ku sime u ah Ra’iisal Wasaaraha.
Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay inta badan u baxaan safarro ay dalka dibaddiisa ku aadan, kuwaasi oo isugu jira kuwo heer gobol ah iyo kuwo caalami ah, waxayna socdaalladooda imaanayaan iyadoo Dowladda Soomaaliya aysan si buuxda dalka gacanta ugu wada heynin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya