Shirkii Midowga Afrika ee Liibiya oo looga hadlay in la kordhiyo Ciidamada Amisom, waajibaadkana loo bedelo

Arbaco, September 02, 2009(HOL): Shirkii aan caadiga ahayn ee ay madaxda Afrika ku yeesheen dalka Liibiya ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Xaaladda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana shirkaas si gaar ah loogu soo hadal qaaday arrimaha ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashig Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Wadfi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo shirkaas ka qeybgalay ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in shirarkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika iyo midkii Madaxda Afrikaba looga hadlay sidoo loo soo kodhin lahaa Ciidamada Amisom ee caawiya Dowladda Soomaaliya, isla markaana waajibaadka loogu bedeli lahaa.

C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa uu sheegay in Dowladaha Uganda iyo Burundi ay Ciidamo ku kordhinayaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya, sidoo kalena ay Ciidamo ka rajeynayaan dalal kale oo Afrikaan ah.

“Ciidamadan marka la soo kordhiyo oo waajibaadkana loo bedelo waxay la howlgeli doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxayna sugi doonaan ammaanka meelo ka baxsan fariisimada ay hadda ku sugan yihiin”ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Mar la weydiiyay in aaney Dowladda heynin xal aanan ahayn wax ku muquunin awood mileteri ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda diyaar u tahay in ay wada hadal wax ku xaliso, isla markaana ay horay ula heshiisay garab ka mid ah Ururka Xisbul Islaam oo haatan mas’uuliyiintiisa ay dowladda ku jiraan.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay dowlad ahaan ka qabteen ama ka qabanayaan dad badan oo Soomaali ah oo xabsiyada Liibiya ku jira, wuxuuna sheegay in ay madaxda Dowladda dadaal u galeen sidii xabsiyada looga sii deyn lahaa dadkaas, wuxuuna caddeeyay in qaar ka mid ah dadkaas ay dowladda horay ugu guuleysatay in xabsiyada laga sii daayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya