Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya oo soo dhaweeyay ballanqaad ka soo baxay Dowladda Phillipine

Arbaco, September 02, 2009(HOL):Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay hadal ballanqaad ah oo ay sii deysay Dowladda Phillipine, kaasi oo ahaa in ay tababar siineyso CIidamada Badda Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in ballanqaadka Dowladda Phillipine ay soo dhaweynayaan, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada Badda Soomaaliya oo haatan diyaar ay ku socoto ay saraakiishooda u baahan yihiin tababarro dheeraad ah.

Waxaa uu sheegay in Taliska Ciidanka Badda Soomaaliya uu diyaariyay Ciidamo difaaca Badda Soomaaliya, haddana uu gacanta ku hayo diyaarinta kuwo kale, wuxuu caddeeyay in ay qorshaha ugu jirto in ay howlgeliyaan ciidamadii horay loo tababaray.

Hadalka uu sii daayay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Dowladda Philllipine ay shaacisay in ay daneyneyso in ay tababarro siiso ciidamada Badda Soomaaliya, si markaas ay ugu sahlanaato in ay la dagaallamaan kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kooxo burcad badeed ah, kuwaasi oo qafaasha Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena ay Xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin Maraakiib iyo Ciidamo Shisheeye, kuwaasi oo dowladahooda sheegeen in ay ugu soo direen Xeebaha Soomaaliya la dagaalanka Burcad Badeedka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya