Arbaco, September 02, 2009(HOL): Tan iyo intii dowlada Kenya kumanaan ka tirsan ciidamadeeda militariga ah ay soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto wadanka soomaaliya, ayaa waxa isa soo tareysay cabashada ka soo yeereysa wadayaasha gaadiidka u kala goosha Magaalada Kismayo iyo Gobolka Waqooyi bari Kenya, kuwaasoo ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geystaan Ciidamada Ilaalada Xuduuda Dalka Kenya, oo ay tilmaameen in ay kula kacaan falal isugu jira xarig, jirdil iyo weliba lacago laaluush ah oo ay ka qaadaan rakaabka iyo weliba milkiilayaasha Gaadiidka.
Darawaliinta ayaa intaasi raaciyay in ay gudaha wadanka Kenya ku galaan qaab qarsoodi ah, haseyeeshee haddii ay gacanta ku dhigaan Ciidamada Kenyanka ah ee ilaaliya Xuduudda ay kula kacaan falal ka baxsan Xuquuqda aadanaha sida uu HOL u xaqiijiyay mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya waddadaasi.
Cabashadani kasoo yeereysa wadeyaasha gaadiidka u kala goosha inta u dhaxeyso magaalada kismaayo iyo gobolka waqooyi bari dalka kenya ayaa timid kadib markii dowlada Kenya ay dhowrkii bilood ee ugu danbeeysay si aad ah u adkeeysay xuduuda ay la wadaagto wadanka soomaaliya, gaar ahaan soohdinta ku aadan gobolladani jubooyinka, taasoo ay sheegtay dowlada Kenya in ay ku xaqiijineyso xaalada Amaan ee Xuduudkeeda, xilli ay inta badan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Xoogaga islaamiyiinta ee ka dagaalama qeybo ka tirsan gudaha Wadanka Soomaliya.
Sidoo kale arintani ayaa imaaneysa iyadoo kumanaan Dad soomaali ah oo ka barakacay Dagaalada ka jira qeybo ka tirsan Dalka ay ku sii qulqulayaan Xeryaha Qaxootiga ee Gobolkaasi waqooyi bari Kenya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya