10/31/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2009
Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa la isku af-garan waayay kulan ay maanta safaaradda Soomaaliya ee Kenya  ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland.

Kulankaas oo markiisii hore saxaafadda loo diiday, isla markaana ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu in muddo ah socday waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo shirka ka soo baxay.

Warbixinta-BBC Somali Service

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in shirkii uu la qaatay madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif uu ku dhamaaday is-af-garad la’aan, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka cago-jiideyso arrimaha horumarinta mashaariicda Puntland iyo qodob kale oo uu ku sheegay dib u heshiisiinta.

Wuxuu intaas ku daray madaxweyne Faroole in aysan Dowladda Soomaaliya diyaar u ahayn in ay meel-mariso heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Maamulka Puntland iyo Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay kala saxiixdeen isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Heshiiska uu sheegayo madaxweyne Faroole in ay horay u saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa waxaa ku jira qodobo aad xasaasi u ah oo awoodo gaar ah siinaya maamulka Puntland, waxaana heshiiskaas  ka horyimid Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aan suurtagal noqon karin oo markaasina ay Baarlamaanka ku sugayaan, marka la hor-keenana ay laali doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya