Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd uu shir uga bilowday Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Magaalada Nairobi Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.
Labada madaxweyne oo uu shirkoodu yahay mid ay albaabada u xiran yihiin ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn waxyaabaha ay labada mas’uul uga wada hadlayaan, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay ka wada hadlayaan dhowridda midnimada Soomaaliya iyo iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka.
Kulanka labada madaxweyne ayaa wuxuu yahay midkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay labada madaxweynaba yihiin kuwo madaxweynenimada ku cusub oo waqti aan dheereyn qabtay xilalka ay hayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo horay kulamo u qaateen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana la xusuusan yahay in ay labada mas’uul heshiis kala saxiixdeen, inkastoo aan heshiiskaas weli la geynin Baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii ka soo baxa Shirka labada madaxweyne kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu shir uga socdo Magaalada Nairobi
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya
- Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
- Midowga Yurub oo todobaadka dambe ka doodaya Ciidamo uu u tababaro Dowladda Soomaaliya
- Ajaanib u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Hindya oo ay Burcadbadeeda Soomaaliya ku sii daysay Deegaanka Eyl oo soo gaaray Garoowe.
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo magacaabay xubno ka tirsan Maamulkiisa
- Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland oo si weyn loo adkeeyay
- Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho