
Jimco, November 13, 2009(HOL): Magaalada xarunta u ah Puntland ee Garoowe gaar ahaan Hotelka Bander Khaasim ayaa waxaa maanta saxaafada ay ku waraysatay Sagaal Nin oo ah Shaqaalihii saarnaa Dooni 1dii November,2009 ee bishan ay burcad badeed Soomaaliya ka soo afduubtay meel boqol mile u jirta Biyaha dalka Cumaan, halkaas oo ay ka kaluumaysanayeen, kaddibna ay siidaayeen.
Waraysiga raggan ay Saxaafadu la yeelatay ayaa ka danbeeyay, kaddib markii ay maamulka Puntland ku soo wareejiyeen Raggaasi Odayaasha degmada Eyl oo ay maalmahanba ku sugnaayeen tan iyo markii biyaha Cumaan laga soo afduubtay, markaas oo ay wateen dooni nooca vaiber Glass oo kaluumaysi, taas oo shirkada lahayd ay nimankani ku sheegeen Mahadi. Milkiilahana Mahad.
Doonida ay wateen Kaluumaysatadani ayaa markii la afduubnayay waxa ay ahayd xili galab ah oo cadceedu godka sii galayso, markaas oo ay sida ay sheegeen ay soo weerareen Niman burcad badeed ah oo gaaraya ilaa 7 nin oo ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo kuwa garabka laga tuuro.

''Waxayna markiiba nagu qasbeen in aan u jahaysano dhanka xeebaha Soomaaliya, rasaas ayay nagu fureena waxay iga haleeshay farta mid ka mid ah lugahayga oo aan iminka xanuun daran ka dareemayo,'' sidaasi waxaa HOL u sheegay Kabtaknka Doonidaasi oo lagu magaacabo Laxnikanta Das.
Doonidii ay wateen waxa ay ku caariday magaalada Eyl kaddib markii ay kharaabtay oo uu matoorku shaqada gabay, burcad badeeda oo awalba rabtay in ay doonidaasi ku ugaarsi tagtana waa ay isaga tageen.

''Markii ay arkeen doonida xaalkeedii ayay nagu yiraahdeen iska baxa oo waxaa na caawiyay Odayaashii deegaanka,waxaana magaalada Eyl ku sugnayn ilaa dhowr maalmood shalay galinkii hore ayaan halkaasi ka soo baxnay oo uu naga soo ka xeeyay Gaashaanle Khaasim AwCali,'' sidaasi waxaa yiri Afhayeenka kooxdaasi Sam Das oo Hindu ah.
Gaashaanlahan Khaasim ee uu afhayeenkoodu sheegay in ay Odayaashu ku soo wareejiyeen si uu u keeno magaalada Gaarowe, halkaasi oo ay kula xiriirayaan Eheladooda iyo Shirkaddi ay u shaqaynayeen si ay markaasi dib ugu laabtaan dalalkoodii.

Gaashaanlahan ayaa waxa uu ka mid yahay ciidamada Daraawiishta Puntlant waana masuulka isku xiray xariirka ay Madaxtooda Puntland ku doonayso sidii looga caawin lahaa qaabkii ay dib ugu laaban lahaayeen dalalkoodii.
Sagaalkan nin ayaa waxa ay magaalada Garoowe soo gaareen xalay saacadu marakii ay ahayd 7:00, waxaana la dajiyay Hotelka Bander Khaasim, halkaasi oo ay iminka ku sugan yihiin, waxaana la filyaa in ay la kulmi doonaan maamulka gobolku si xaaladoooda ay wax uga qabtaan.
Raggan Sagaalka Kaluumayasata ah ee ay Maamulka Puntland iminka xaaladooda ka warqabaan halka ay marayso iyo in yihiin kaluumaystao ay burcad badeedu fasaxeen ayaa waxa ay ku sugan yihiin Hotelka Bander Khaasim ee Magaalada Garoowe.
Sagaalkan nin ee u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Bangaladesh ayaa 5 Nin ee Hindida ah waxa lagu kala magacabaa Laxnikanta Das waa kabtanka,Sam Das, Bhuban Das,Sunil Das iyo Subal Das, halka kuwa Banagaladesh u dhashayna iyana lagu kala magacaabo Maxamed Delwar Hassain, Maxamed Amin, Babul Uddin iyo Bashiir.
Raggan ayaa waxa ay kaloo sheegeen in ay Jeclaan lahaayeen in si dhaqso ah ay ula soo xariirto Shirkaddii ay ka howlgali jireen oo ku taala dalka Cumaan iyo Eheladooduba, laakiin uma muuqaan ragg ka walaacasan joogitaanka halka ay ku sugnaayeen oo waxa ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan nolasha Puntland oo ay ku suganaayeen mudo dhan 13 casho oo Qura.
Maxamed Cali Royter, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya