Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas

Jimco, November 13, 2009(HOL): Maamulka Degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka soo horjeestay in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga suro Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmadaas Maxamed Maxamuud Raage oo u waramayay Idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu soo gaaray war sheegaya in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dalbatay in Calanka lagu yaqaano ee madow laga taago Degmadaas, si ay iyadana markaas u sii deyso dad degmada ka soo jeeda oo ay heyso.

“Ma aqbali doonno in Calan aan ahayn midka Soomaaliya lagu suro Degmada Ruun-Nirgood, waayo halkan waxaa laga taageersan yahay Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Raage.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray Culumaa’udiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Degmada Ruun-Nirgood ay qabsatay Xarakada Al-Shabaab, sii deyntoodana ay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin in Calanka Madow ee ay Xarakada  Al-Shabaab caanka ku tahay laga suro Degmada.

“Dadka ay qabsadeen waxaa ka mid ah Macallin Maxamed Maxamuud Wehliye oo Xamar u waday Xaaskiisa oo Foolaneysa iyo nin nabaddoon ah oo kale, waxayna sii deyntooda ku xireen in aan aqoonsanno Al-Shabaab, Calankeedana laga taago halkan”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Raage.

“Dadka degan Degmada Ruun-Nirgood waxay taageersan yihiin Dowladda Soomaaliya, mana aqbalayaan wax aan dowlad Soomaaliyeed ahayn, iyadana ayayna ka sugayaan in ay taageero soo gaarsiiso”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Maxamuud Raage, Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood.

Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka taliya maamul hoos-taga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, walow degmooyin aan u dheereyn ay joogaan xoogag taabacsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo horay uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya