Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Puntland ee kala ah Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo, kuwaasi oo habeen hore ay ka dhaceen dilal loo geystay mas’uuliyiinta ka tirsanaa maamulkaas iyo weliba qarax.
Xalay ayaa gudaha magaalooyinkaas waxaa lagu arkayay ciidamo tiro badan oo ammaanka si weyn u adkeynayay, isla markaana baaritaanno ku sameynayay dadka iyo gaadiidka ay socodkooda ka shakiyaan.
Ciidamadan oo ay ku jiraan kuwo Commandos ah ayaa waxaa uu maamulka Puntland howlgeliyay kaddib markii ay seddexdaas magaalo saacado is-xig-xigay ay ka dhaceen dilal iyo qarax, kuwaasi oo si weyn u gilgilay dadka ku dhaqan maamulka Puntland oo in muddo ah nabadgelyo heystay.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo safar ugu maqan Dalka Kenya uu ammar ku siiyay Ciidamada Ammaanka Puntland in ay amni darrada wax ka qabtaan, isla markaana ay baaraan guri iyo cid kasta oo laga shakiyo, isla markaana sida uu hadalka u yiri aysan dhicin in la ina adeersado dadka dhibaatada wada.
“Ciidamada Ammaanka Puntland waxaan farayaa in ay intii karaankooda ah ay amniga sugaan, ayna qabtaan cid kasta oo looga shakiyo in ay nabadgelyada Puntland khatar ku tahay, hala baaro cid kasta iyo guri kasta oo laga shakiyo, yeysan dhicin in la ina adeersado”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo sheegay in Ciidamo Commandos ah la geeyay magaalooyinka waa weyn ee Puntland ee kala ah Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland oo si weyn loo adkeeyay
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya
- Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
- Midowga Yurub oo todobaadka dambe ka doodaya Ciidamo uu u tababaro Dowladda Soomaaliya
- Ajaanib u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Hindya oo ay Burcadbadeeda Soomaaliya ku sii daysay Deegaanka Eyl oo soo gaaray Garoowe.
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu shir uga socdo Magaalada Nairobi
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo magacaabay xubno ka tirsan Maamulkiisa
- Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho