Jimco, November 13, 2009(HOL): Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in uu ka doodo todobaadka soo socda qorshe uu tababar ku siinayo ciidamo ay leedahay Dowladda Soomaaliya oo gaaraya 2,000 oo Askari.
Qorshahan ayaa waxaa ka doodi doona Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee Dalalka Midowga Yurub, iyadoo ay qorshahaas soo jeediyeen qaar ka mid ah dalalka midowga Yurub.
Haddii qorshahan uu meel-mariyo Midowga Yurub ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya muddo sanad ah loogu tababari doonaa dalka Uganda 2,000 oo askari oo loo diyaarinayo in ay ka qeybqaataan soo celinta sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
“Isla marka qorshahan la meel-mariyo waxaan diyaarin doonnaa qorshaha dhabta ah ee lagu tababarayo ciidamad Dowladda Soomaaliya”sidaas waxaa tiri Cristina Gallach oo ah Afhayeenad u hadashay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Javier Solana.
Ilaa 200 oo tababare oo Midowga Yurub ka socda ayay sheegtay Cristina Gallach in ay tababar siin doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay in loo diyaarinayo in ay wax ka qabtaan dhibaatada dhinaca nabadgelyo darrada ah ee ka jira Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Midowga Yurub oo todobaadka dambe ka doodaya Ciidamo uu u tababaro Dowladda Soomaaliya
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya
- Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
- Ajaanib u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Hindya oo ay Burcadbadeeda Soomaaliya ku sii daysay Deegaanka Eyl oo soo gaaray Garoowe.
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu shir uga socdo Magaalada Nairobi
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo magacaabay xubno ka tirsan Maamulkiisa
- Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland oo si weyn loo adkeeyay
- Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho