Jimco, 13, Nov, 2009 (HOL): Guddoomiyaha cusub ee dhawaan Ururka Xisbul Islaam uu u magacaabay in Goballka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye oo xarunta Maamulka Goballka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne kula hadlayay warfidiyeenka ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha Maamulkiisa cusub.
Shuuriye Faarax Sabriye oo uu dhinac fadhiyay Xoghaya difaaca Ururka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Carraale ayaa u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Goballka Hiiraan in uu noqdo Shiikh Max'ed C/llaahi Cali Abuu-Xuseen, halka Madaxa Maaliyadda Goballka Hiiraana uu u magacaabay C/llaahi Xuseen Waasuge.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in uu madaxa Amniga Goballka Hiiraan uu u magacaabay Shiikh Abuukar Daa'uud, halka madaxa dacwadana laga dhigay Shiikh Shaafici Max'ed Carab.
Xoghaya difaaca ururka Xisbul Islaam Muuse Cabdi Carraale oo intaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhawaan sidoo kale la soo dhisi doono qeybaha ka harsan Maamulka, waxaana uu dadka ka codsaday in lala shaqeeyo Maamulka cusub si ay u gudaan waajibaadka shaqo ee laga doonayo.
Ururka Xisbul Islaam oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn ugu mashquulsanaa dhismaha Maamul uu yeesho Goballka Hiiraan waqti xitaa aysan ka wada arimin Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay islamarkaana Goballku u kala qeybsan yahay Ururro diimeedyada Ahlu Sunna Waljameeca, Xarakatu Shaabul Mujaahidiin, Xisbul Islaam iyo waliba Dowladda Soomaliya oo Ciidamadeedu ay ku sugan yihiin deegaanno aan sidaa uga durugsaneyn Magaalada, waxaana xusid mudan in dhinaca kale uu jiro abaabul ciidan oo ay wadaan Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaannka Kala-beyr kuwaas oo doonaya in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo magacaabay xubno ka tirsan Maamulkiisa
More News
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya
- Kulankii Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay ku yeesheen Nairobi oo la isku af-garan waayay
- Midowga Yurub oo todobaadka dambe ka doodaya Ciidamo uu u tababaro Dowladda Soomaaliya
- Ajaanib u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Hindya oo ay Burcadbadeeda Soomaaliya ku sii daysay Deegaanka Eyl oo soo gaaray Garoowe.
- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland oo uu shir uga socdo Magaalada Nairobi
- Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Puntland oo si weyn loo adkeeyay
- Maamulka Degmada Ruun-Nirgood oo diiday in Calan aan ahayn midka Soomaaliya laga taago Degmadaas
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho