Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u habeyneyso Ciidamadeeda, uuna isbedel dhinaca ammaanka ah ka dhici doono Magaalada Muqdisho

Jimco, November 13, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ay dib u habeyn ku sameyneyso Ciidamadeeda, isla markaana ay wax la taaban karo ka qaban doonto ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dr. Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii ay dib ugu habeyn lahayd Ciidamadeeda, wuxuuna caddeeyay in dhawaan uu is-bedel la taaban karo ka dhici doono Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Dhawaan waxaa dhici doona isbedel dhinaca amniga ah, dowladda Soomaaliyana waxay ku howlan tahay habeynta Ciidamadeeda oo u diyaar ah in ay gacan-ku-heynta dalka la wareegaan”ayuu yiri Dr. Khaalid oo sheegay in dhinaca kale ay dowladda waddo dadaaallo dib u heshiisiin ah oo ay la geleyso cid kasta oo nabad iyo wada hadal wax ku dooneysa.

Hadalka uu sii daayay Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku wada sugan yihiin Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Dowladda ka soo horjeeda iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir isku horfadhiya.

Dhanka kalena, Dr. Khaalid Cumar Cali waxaa uu sheegay in ay Qaramada Midoobay shaaca ka qaadday in ay xafiisyo ka furan doonto Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaabilsan Siyaasadda, Ammaanka, Arrimaha Bulshada iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid guul u ah Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya