Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo 8 bilood ugu kordhiyay muddada ay Ciidamada Amisom joogayaan Soomaaliya

Talaado, May 26, 2009(HOL): Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya loogu kordhiyo muddo 8 bilood ah waqtiga ay joogayaan Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay sidoo kale isku raaceen in Ciidamada Dowladda Soomaaliya tababar, dhaqaale iyo qalab la siiyo si ay u hantaan ammaanka dalka Soomaaliya.

Shirka ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale waxay xubnaha golaha ammaankan isku raaceen in muddo 8 bilood ah loogu daro Ciidamada Amisom muddada ay Soomaaliya sii joogayaan, iyadoo mudadaasna la kordhin doono ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

Midowga Afrika oo ay hadda ka joogaan Magaalada Muqdisho 4,350 askari ayaa waxaa la gaarsiin doonaa 5,100, iyadoo tiradaasna ay aad uga yar tahay 8,000 oo askari oo uu Midowga Afrika u ballanqaaday in uu Soomaaliya u dirayo.

Ciidamada Amisom ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay ilaaliyaan Garoonka iyo Dekedda Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Isgoyska KM4 oo muhiim u ah isu socodka mas’uuliyiinta Dowladda iyo weliba Ciidamada Amisom.

Go’aankan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay beesha caalamka ka codsaday in Dalka Soomaaliya laga difaaco dagaalyahanno Ajani ah oo ku soo duulay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya