Talaado, May 26, 2009(HOL): Waxaa maanta ku geeriyooday Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan Wariye Nuur Muuse Xuseen (Nuur Inji) oo dabayaaqadii bishii hore ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gudaha Beledweyne.
Marxuumka oo ka tirsanaa Idaacadda Codka Hiiraan, sidoo kalena ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho xiligii Dowladdii hore ayaa wuxuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray bowdada.
Maalmo iyo bilo ka hor waxaa dil ula kac ah iyo mid aan ula kac ahayn loogu geystay Magaakada Muqdisho iyo Degmada Afgooye Wariye Xasan Mayow Xasan oo Idaacadda Shabeelle uga soo warrami jiray Gobolka Shabeelaha Hoose, Agaasimihii Idaacadda HornAfrik Sacidi Tahliil Axmed iyo C/risaaq Warsame Maxamed Gaadaco oo ka tirsanaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle, kaasi oo ku geeriyooday dagaal maalmo ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.
Marka laga soo tago geerida ku timid wariyaashan waxaa dhaawac soo gaaray iyadoo howsheeda shaqo gudaneysa Isbitaal u jiifta Wariye Nimco Xasan oo ka tirsaneyd Wariyayaasha Idaacadda Capital Voice ee Magaalada Muqdisho. Nimco waxaa ku dhacday rasaas wiifto ah iyadoo dhawaan dad ka barakacayay Degmada Howl-Wadaag wareysaneysay.
Horayna waxaa dalka Soomaaliya loogu dilay Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi oo kala ahaa Agaasimayaashii HornAfrik iyo Capital Voice, Duniyo Muxyaddiin Nuur oo Idaacadda HornAfrik ka tirsaneyd, Bashiir Nuur Geedi oo la dilay isagoo Ku-sime Agaasime ka ah Idaacadda Shabeelle, Abshir Cali Gabre oo u shaqeynayay Idaacadda IQK, Axmed Xasan Mahad oo u shaqeynayay Idaacadda SBC, C/qaadir Kaskey oo Idaacadda Banaadir uga soo warrami jiray Gobolka Gedo, Xasan Kaafi Xareed oo Idaacadda Banaadir uga soo warrami jiray Jubbooyinka iyo Nasteex Daahir Faarax oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uga soo warrami jiray Magaalada Kismaayo.
Wariyayaashan Soomaalida ah kaliya ma ahayn waxa lagu dilay Soomaaliya waxaana sanadihii 2005 iyo 2006 lagu dilay magaalada Muqdisho labo wariye oo kala ahaa Kate Peyton oo BBC-da u shaqeyneysay iyo Martin Adler oo u shaqeynayay TV-ga Channel4.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya