MADAXWEYNE KU XIGEENKA KENYA: “ Beesha Caalamka waa inay u midowdaa soo celinta xasiloonidii Soomaaliya”

Talaado, May 26, 2009(HOL): Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in haddii aan la soo celin nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya ay taasi khatar ku tahay gobolka geeska Afrika, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dalalka Afrika in ay gacan ka geystaan soo celinta nabaddii Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta Afrika oo lagu qabtay Safaaradda Aljeeriya ee Magaalada Nairobi ayuu sheegay Kalonzo Musyoka in soo qaabeynta dowlad shaqeysa oo Soomaaliya ka jirta ay fure u tahay in la soo celiyo nabaddii Soomaaliya.

“Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay Kalonzo Musyoka in ay u midowdo soo celinta xasiloonidii Soomaaliya, isla markaana ay soo af-jarto burcad badeedda ka jirta biyaha Soomalaiya”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka.

Kalonzo Musyoka oo isagoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ah wax ka soo qaabeeyay Dowladdii TFG-da ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka Afrika in ay sidoo kale ka qeybqaataan in nabadeynta Soomaaliya, isla markaana ay Ciidamo ku biiriyaan Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

“Xasilooni lagu soo dabaalo Dalka Soomaaliya ayaa waxay dan weyn ugu jirtaa dalalka ku yaalla Geeska Afrika”ayuu mar kale yiri Kalonzo Musyoka oo la hadlayay  martidii isugu timid xafladdii lagu xusayay maalinta Afrika oo shalay ku beegneyd.

Salaad Iidow (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya