
Talaado, May 26, 2009(HOL): Wafdiga iyo ciyaartoyda ka socota Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho ayaa xalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa u sameeyay Maareeyaha Dekedda Jabuuti Mr. Sacad Cumar Geelle, iyadoo casho sharaftaasi ay ka soo qeyb galeen madaxda wafdiga iyo ciyaartoyda Naadiyada labada Dekedood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Maareeyaha Dekedda Jabuuti Mr. Sacad Cumar Geelle ayaa kula dardaarmay ciyaartoyda Dekedda Muqdisho inay yihiin dad ka tarjumaya Isboortiga, isagoona sheegay in Isboortigu yahay aalada isku soo dhoweysa Ummadda, sidaasi daraadeedna waxa uu Maareyuhu ku booriyay inay ka shaqeeyaan sidii ummadda Soomaaliyeed isugu soo dhowaan lahayd.
“Ummadda Soomaaliyeed waa ummad walaalaheen ah, markastana waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan” ayuu yiri maareeyaha Dekedda Mr. Sacad Cumar Geelle.
Intaasi kaddib waxaa hadalkii qaatay Agaasimaha Dekedda Muqdisho Mr. C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) oo ka mahad celiyay sida walaaltinimada leh ee wafdiga Dekedda Muqdisho loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti, wuxuuna Md. C/raxmaan Kolly sheegay inuu Maareeyaha Dekedda Jabuuti u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Maareeyaha Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow, kaasi oo ku saabsanaa xiriirka labada Dekedood sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhinaca kale madaxda ka qeyb gashay xaflada casho sharafta ah waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji YAbarow (Wiish), Xoghayaha Olombikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi, Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Jabuuti Md. C/raxmaan Maxamed Hiraabe, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Ibraahim Xuseen Roombe, Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Jabuuti Axmed Raqaba, Xiriiriyaha labada dal C/Qani C/llaahi (Jeenyo) oo isagu aad uga shaqeeyay in ciyaarahan saaxibtinimo ay ka dhacaan dalka Jabuuti, Jeylaani Ducaale iyo marti sharaf kale.




Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
[email protected]
Djibouti, Jibouti
Maareeyaha Dekedda Jabuuti oo casho sharaf u sameeyay wafdiga iyo ciyaartoyda Kooxda K/Koleyga Dekedda Muqdisho
More News
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo 8 bilood ugu kordhiyay muddada ay Ciidamada Amisom joogayaan Soomaaliya
- Dagaal iyo duqeyn ay dad ku dhinteen oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Mahaddaay
- Wariyihii 4aad oo horraanta sanadkan kaliya lagu dilay Somalia
- Dr. Cumar Iimaan oo xilkii Guddoomiyenimada Xisbul-Islaam ku wareejiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys
- Madaxweyne Shiikh Shariif oo kashifay sababta ay Eritrea ugu lug leedahay Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Soomaali ah oo af-duubtay Shiikh caan ah oo laga yaqaano Deegaannada Qaxootiga degaan ee W/bari Kenya
- MADAXWEYNE KU XIGEENKA KENYA: “ Beesha Caalamka waa inay u midowdaa soo celinta xasiloonidii Soomaaliya”
- Beel ka mid ah Beelaha dega Magaalada Muqdisho oo sheegtay in ay difaaceyso Dowaldda Soomaaliya
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyayaal Ajnabi ah oo Af-duub loogu heysto Muqdisho