Talaado, May 26, 2009(HOL): Afar Nin oo Soomaali ah oo hubeysan ayaa waxay saaka 8-dii aroornimo Xerada Ifo ka af-duubteen Shiikh caan ah oo laga yaqaano Deegaannada Qaxootiga degaan ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Shiikh C/kariin Cabdi oo 60 sano ah ayay raggan hubeysan qabsadeen xili uu hurdayay bannaanka aqal uu ku leeyahay gudaha Xerada Ifo, kaddibna waxay ku qaateen gaari ay wateen oo ula dhaqaaqay dhinaca xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
“Dhacdadan waxay ahayd mid na baqdin gelisay qaxooti ahaan”sidaas waxa wakaaladda Wararka Reuters u sheegtay Hodan Cabdi oo deris la ahayd Shiikh C/kariin, waxayna Hodan intaas ku dartay in ay naftooda u baqayaan.
Hodan Cabdi waxay intaas ku dartay in Shiikha la af-duubtay uu ahaa mid muxaadarooyin kulul ka jeedin jiray Masjid ku yaalla xerada Ifo dhexdeeda, isla markaana muxaadarooyinkiisa si kulul ugu weerari jiray dhaqdhaqaaqyada Uruka Al-Shabaab uu ka wado Soomaaliya.
Ann Campel oo ka tirsan Saraakiisha UN-ka ee ku sugan xerada Ifo ayaa sheegtay in aan weli warbixin dheeraad ah laga heynin af-duubka loo geystay Shiikh C/kariin. Af-duubkan loo geystay Ninkan Shiikha ah wuxuu yahay midkii ugu horreeyay oo laga af-duubto gobolka W/Bari Kenya, isla markaana loo kaxeysto dhinaca Soomaaliya.
Mar sii horreysay ayay ahayd markii rag hubeysan oo Soomaali ah ay gudaha u galeen Kenya kaddibna ay ka soo qafaasheen labo Sooro oo u dhashay dalka Talyaaniga, kuwaasi oo mar dambe ay sii daayeen, iyadoo sidoo kalena ay jireen howlwadeenno ka tirsan Dowladda Kenya oo iyana loo soo qafaalay dhinaca Soomaaliya balse ugu dambeyntii la sii daayay.
Salaad Iidow (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya