Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Wariyayaal Ajnabi ah oo Af-duub loogu heysto Muqdisho

Talaado, May 26, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay kooxaha af-duubka ku heysta labo wariye oo u kala dhashay Canada iyo Australia in ay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan.

Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in looga baahan yahay kooxaha af-duubka ku heysta labadaas wariye oo lagu magacaabo Amanda Lindhout (Canadian) iyo Nigel Brennan (Australian) in ay qiimeeyaan Soomaalida ku nool dalalka u dhasheen wariyayaasha ay heystaan, sidaas darteedna ay sii daayaan.

Wariyayaashan oo Muqdisho lagu heysto muddo ku dhow sanad ayaa shalay mar ay la hadleen Wakaaladda Wararka AFP waxaa ay sheegeen in ay aad u liidato xaaladdooda caafimaad, isla markaana ay ka codsanayaan dowladahooda in ay bixiyaan lacag madax furasho ah oo ay dalbanayaan kooxaha af-duubka ku heysta.

Amanda Lindhout oo ah Wariye Canada u dhalatay ayaa sheegtay in haddii aaney Dowladdeeda, Shacabkeeda iyo Qoyskeeda aysan u soo gurman oo aysan bixin lacagta madaxeeda loo heysto in ay ka baqeyso in ay ku dhimato Soomaaliya.

Wariyayaashan ayaa waxaa la af-duubtay iyagoo doonayay in ay sheekooyin ka sameeyaan dadka nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo ku barakacay dagaalladii labada sano ka socday Soomaaliya xiligii ay Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen Soomaaliya.

Salaad Iidow (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya