Talaado, May 26, 2009(HOL): Mid ka mid ah Beelaha dega Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Mudullood oo shalay shir ku yeelatay Muqdisho ayaa waxay shaaca ka qaadday inay difaaceyso Dowladda Soomaaliya oo haatan dagaallo kula jirta kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ku jira Dowladda Soomaaliya oo shirkaas ka qeybgalay ayaa waxay sheegeen in shirka ay isugu yimaadeen uu yahay mid ay beesha lagama maarmaan u aragtay inay difaacdo Dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in ay marka hore dowladda u difaacayaan qaab dowladeed, haddii laga fursan waayaanna ay qaab shacab ah u difaaci doonaan, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda ku guuleysan doonto inay dalka Soomaaliya ka xoreyso kooxo sida uu yiri argagixiso ah oo kaashanaya dad ajaaniib ah.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay jiraan deegaanno ay Beesha Mudullood leedahay oo ay qabsadeen xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay deegaannadaas u soo ceshan lahaayeen.
Kulankaas waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna sheegay in dal aan dowlad lahayn uusan waxba ahayn sidaas darteedna loo baahan yahay in la difaaco dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in waqti dheer si beel ahaan ah iyo si shakhsi ahba wax looga sheegayay, ilaa haddana aysan jawaab-bixin, wuxuuna sheegay in haddii lagu kalifo ay jawaabta ku haboon bixin doonaan.
Waxaa uu intaas ku daray Maxamed Dheere in dad dhulkooda gumeysi madow uu heysto ay ku soo duuleen deegaanno sida uu yiri xor ah oo ay ku nool yihiin dad shacab ah, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid aan indhaha laga qabsan karin .
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaanno kale oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Inj. Maxamed Xuseen Caddow, Xildhibaan Xuseen Carraale, Xildhibaan Garruun iyo kuwo kale.
Shirkan ay isugu timid Beesha Mudullood ee ay ku sheegtay in ay ku difaaceyso Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya