Talaado, May 26, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa galabta waxaa ka dhacday duqeyn ay dad ku dhinteen oo ay is-weydaarsadeen Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.
Madaafiic la doonayay in lagu garaaco Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxay nawaaxiga Tiyaatarkii Qaranka waxay ku dileen dad rayid ah oo gaaraya 7 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.
Madaafiic jawaab ah oo ay duqeyntaas kaddib rideen Ciidamada Dowladda ayaa waxay dad rayid ah ku dhaawaceen nawaaxiga Suuq Bacaad. Madaafiicda ay isweydaarsadaan Ciidamada Dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa inta badan waxay waxyeello ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay guryahooda ka barakacaan si ay uga badbaadaan madaafiicdaas.
Dhanka kalena, Dagaal ka dhacay duleedka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhexmaray Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam iyo Alshabaab oo isku dhinac ah iyo Xoogag kale oo taabacsan Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu geystay dhimashada dad gaaraya 6 ruux, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaallamay.
Marka laga soo tago wararka laga helayo ilo labada dhinac ee dagaallamay ka madax bannaan haddana waxay horjoogayaasha labada dhinac kala sheeganayaan guulo iyo in uu dhinacba kan kale ka dilay dad badan.
Dad badan oo ku noolaa Degmada Mahaddaay iyo nawaaxigeeda ayaa waxay u barkaceen dhulka baadiyaha ah, halkaasi oo aysan ku heysan adeegyada aas-aasiga u ah nolosha bani’aadamka.
Ugu dambeyntiina, Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa 24kii saac ee aynu ka soo gudubnay ka jirta xiisad colaadeed, taasi oo oogantay kaddib markii Ciidamo badan oo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya halkaas la geeyay, iyadoo Saldhigga Booliska Galbeed oo Degmadaas ku yaalna ay horay u joogeen Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Xaafadaha Degmada Dharkeenley ayaa dadkii ku noolaa waxay bilaabeen in ay guryahooda ka barakacaan si ay uga badbaadaan waxyeello ka soo gaarta dagaal ay suurtagal tahay in uu labada dhinac dhexmaro.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Dalka Soomaaliya halkan kala soco haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya