Khamiis, October 30, 2008(HOL): Xukuumadda Washington ayaa Shabakadda Al qaacida ku eedeeysay inay ka dambeysay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeisa oo ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Somaliland.
Kaaliyaha Xoghayaha amuuraha Dibadda Mareykanka ugu qaabilsan aerimaha Africa Jandaye Frazer oo kulankii Soomaaliya looga hadlayay ka qaybgashay ayaa qaraxyadaasi ku eedaysay Shabakada al Qaacida ,waxaana ay sheegtay in ay al Qaacidda xubnahood badi ay joogaan Gudaha Dalka Somalia.
Qaraxyadaani oo ay ku geeroyoodeen dad kor u dhaafaya ilaa 28-qofood ayaa waxaa ay ka dhaceen Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Somalinad iyo Puntland oo lagu weeraray qaraxyo gaaraya 5-qarax oo loo adeegsaday waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ku soo aaday xili magalaada Nairobi ay ka socdeen wada hadallo Soomaalida u soconayay.
Labada Maamul ee Soomaaliland iyo Puntland waxa ay ahaayeen kuwa degan marka loo bar bar dhigo Koofurta Soomaaliya, waxana Jendayi Frazer sheegtay in qaraxyadii halkaasi ka dhacay ay ahaayeen fidintaaan uu ururka Al Shabaab ku fiday Waqooyiga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan W/Bari iyo W/Galbeed.
Jendayi Frazer, kaaliyaha arimaha dibadda dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha Africa waxaa kale oo ay sheegtay in Ururka Al Shabaab uu qaraxyo noocani oo kale ah uu horay u qaaday, iyadoo xustay in ururkaas doonayo in uu dhaqdhaqaaqiisa ku fidiyo guud ahaan Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Jendayi Frazer in tani ay aheyd fariin ay u gudbinayeen urur Al Shabaab kulanka ka soconayay magaalada Nairobi iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamtay weerarrada ka dhaca Koonfurta Dalka Somalia ee ay inta badan dadka shacabka ah dhibaatada ka soo gaarto.
Hadalka ka soo yeeray dawladda Maraykanka ayaa imaanaya labo maalin uun kadib markii dhinacyada Soomaalidu uu shir uga furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD, isla markaana la isugu geeyay dhammaan Xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee Dowladda.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia