Khamiis, October 30, 2008(HOL): Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa shir jaraa'id oo uu goor dhaw ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku wajan hadal Maalintii shalay qalabka warbaahinta gudaha ay ka sii daayeen Xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, iyo waliba khilaafka u dhaxeeya Mas'uuliyiinta Maxkamadaha.
Shiikh C/raxmaan Macow waxaa uu sheegay in wixii ay Maxkamadaha Islaamiga u soo dagaallamayeen aheyd in dadka dulmiga laga dulqaado, sidaa daraadeed aan loo baahneyn koox gaar ah ama shaqsiyaad gaar ah wax loo dhimo, waxaana uu intaas ku daray in Maxkamadaha Islaamiga Gobolku aragti mideysan ka lee yihiin shirka Jabuuti" Dadkii shalay ka hadlay Magaalada Beledweyne ma'aheyn kuwo ku hadlaya Afka Maamulka Gobalka iyo kan Maxkamadaha toona, laakiin waxaan dhihi karnaa waxaa ay ahaayeen kuwo dano gaar ah u adeegaya, ayuu sheegay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo mar uu ka hadlayay aragtidooda la xiriirta shirka Jabuuti sheegay in uusan xiligan diyaar u ahayn ka hor dhicida arikaa, madaama ayuu yiri uu jiro dadaal la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka jira.
Waxaa kaloo uu ka hadlay Shiikh C/raxmaan hadalkii dhawaan ka soo yeeray Dallada Culimadda Soomaaliyeed kaas oo ku wajahanaa dhax dhaxaadin la doonayo in laga dhax sameeyo dhinacyada Isbaheysiga ee Siyaasadda ku kala qeybsan, waxaana uu sheegay in mar walba loo baahan yahay in la taageero wixii Masaalaxo ah waa haddii markaas loogu adeegayo danaha shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Macow.
Sidoo kale mar la weydiiyay waxa ka jira warka ku saabsan in ay Gobalka soo gaareen Culimo u socota sidoo loo dhameyn lahaa khilaafyada jirra ayuu sheegay in mar walba Culimadu ku dadaalayaan meel kasta oo ay joogaan in laga fogaado khilaafka, sidaa daraadeed waxaa uu ku gaabsaday in ay jiri karaan Culimo ku howlan dhaxdhaxaadinta dhinacyada kala duwan.
Waxaa kale oo uu Shiikh C/raxmaan ka hadlay halka uu marayo arinka Nin dhaliyaro ah oo ka mid ah kooxo maalmo ka hor dil ka geysatay Magaalada Beledweyne kaa oo ku jira gacanta Ciidamada Midowga Maxkamadaha, waxaa uu sheegay in ninkaasi la hayo marka la soo dhameeyo cadeymaha la xiriira falka uu geystayna la marin doono Shareecada Islaamka.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ku ee ku sugan Magaalada Beledweyene sheegeen in aysan raali ka ahayn heshiiskii dhawaan ay ku gaareen dalka Jabuuti dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u Xoryenta dalka, waxaana ay ugu baaqeen dhamaan dhinacyada kacdoonka wada in ay sii wadaan dagaallada looga soo horjeeda Ciidamada sida ay hadalka u dhigeen cadowga,
Shirka jaraa'id ee uu maanta ku qabtay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow iyo waliba hadalkii ka soo yeeray maalintii shalay Saraakiisha ka tirsan Maxkamadaha Gobalka ayaa muujinaya khilaafka iyo saameynta ay ku leeyihiin dhinacyada ku sugan gudaha siyaasadaha is-diidan ee u dhaxeeya Mas'uuliyiinta sar sare kuwaas oo ku kala sugan dalalka Jabuuti iyo Eritrea.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia