XILDHIBAAN JINNI BOQOR: “Waa arrin dhacday in C/llaahi Yuusuf uu ka diiday madaxdii IGAD in uu is-casilo”

Khamiis, October 30, 2008(HOL): Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka diiday madaxda IGAD in uu is-casilo kadib markii ay sidaas u soo jeediyeen.

“Madaxda IGAD waxay u sheegeen in muddo afar sano ah oo ay jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax qaban weysay, sidaas darteedna loo baahan yahay in uu is-casilo, hayeeshee arrintaas waa uu ku gacan seyray” ayuu yiri Xildhiban Jinni Boqor.

Xildhibaan Jinni Boqor waxaa uu sheegay  in Madaxda IGAD oo ay shir wada qaateen Madaxweyne Yuusuf ay u sheegeen in maadaama uu wax qaban waayay oo waqtiga dowladdana uu sii dhamaanayo uu iska nasto xilkana ka dego, si loogu doorto xilka uu hayo qof kale.

“Waa arrin dhacday in C/llaahi Yuusuf uu ka diiday madaxdii IGAD in uu is-casilo, wuxuuna yiri waqtigeyga ayaan dhameysanayaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor.

Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in markii ay madaxda IGAD ku guuleysan waayeen in ay Madaxweyne Yuusuf ka dhaadhiciyaan in uu is-casilo ay soo saareen war-murtiyeed sida uu yiri ay soo dhoo-dhoobeen.

Xildhibaan Jinni Boqor ayaa wuxuu mar kasta ku eedeeyaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu ku fashilmay in uu xilkiisa u guto sidii loogu doortay, isagoo dhowr jeer jeer oo hore sheegay in uu ka soo horjeedo in nabad iyo dib u heshiisiin lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

Hadalka uu sii daayay Xildhibaanka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay magaalada Nairobi lagu soo gebagebeeyay shir u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda IGAD, kaasi oo looga hadlayay xaaladda Siyaaso-ammaan-dhaqaale iyo bulsho ee dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia