Khamiis, October 30, 2008(HOL): Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxyo shalay ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa wuxuu cambaareeyay falkii lagu qarxiyay goobo ka tirsan Magaalooyinkaas, wuxuuna sheegay tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxyadaas.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer ayaa iyadana waxay cambaareysay dadkii ka dambeeyay qaraxyadaas, waxayna sheegtay in qaraxyadaas ay ka dambeeyay sida ay hadalka u dhigtay dad argagixiso ah.
Sidoo kalena Saraakiil u hadlay Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa iyaguna cambaareyntaas ku biiray, waxayna sheegeen in uu falkaas ahaa mid looga soo horjeedo nabadgelyada ka jirta magaalooyinka qaraxyada ka dhaceen ee ka tirsan maamullada Somaliland iyo Puntland.
Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna wuxuu cambaareeyay dadkii ka dambeeyay qaraxyadii lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso, wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado tahay in dad aan waxba galabsan la laayo.
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxyadaas, isagoo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad u rajeeyay.
Qaraxyadii shalay ka dhcay Magaalada Hargeysa waxaa ku geeriyooday 21 ruux, 28 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, halka qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso-na ay geysteen dhimashada seddex ruux oo ay ku jiraan dadkii qaraxa fuliyay, halka ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia